Hishiis laga gaaray colaadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.(sawiro)

November 30, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa xalay si rasmi ah ay u soo afmeereen Isimo  loo xilsaaray xalinta dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo dhex maray beel ka mid ah beelaha dega magaalada Gaalkacyo iyo ciidamo ka tirsan Puntlland, dagaalkaas ayaa waxaa uu sababay khasaaro nafeed iyo mid maal waxaan ugu danbayntii dadka reer Gaalkacyo iyo Isimo gaaraya ilaa 16 Isim ay isla garteen in xal laga gaaro dhibaatadii dhacday waan lagu guulaystay iyadoo hishiiska qaybtiisii hore uu ka dhacay Gaalkacyo halka kii labaadna uu ka dhacay xalay Garoowe.

Markii uu kulanku furmay ayaa waxaa kalimad wacdi ah ka jeediyey shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku waaniyey Odayaasha waxgaradka iyo Isimada in ay u laabtaan Kitaabka alle kana fogaadaan wixii diinta khilaafsan isagoo Shiikhu ku waaniyey Isimada in ay ku dadaalaan xalinta khilaafaadka u dhexeeyey beelaha isagoo shiikhu uu aad  ugu dheeraaday in laga fogaado dagaalo iyo colaadaha khilaafsan diinta Islaamka burburna u horseeday bulshada.

no images were found

Shirka xalay ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimo aad looga yaqaan degaanada Puntlland waxaan ay maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen kulamo wadatashi oo ay uga arrinsanayaan colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo iyagoo aad uga dooday in laga hortago wax kasta oo colaad keeni kara iyo in laga waantoobo wax kasta oo wax u dhimi kara wada deganaashaha beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolka Mudug.

Kulanka xalay ayaa waxaa goob joog ka ah Madaxda sare ee  dowllada Puntlland gaar ahaan Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole , Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen . Cabdisamad Cali Shire, Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Gen Cadde), Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Hirsi.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay madasha shirka lagu soo afmeeray dhibaatadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu codsaday in dhibaatadii dhacday laga noqday xalay dhalay isagoo sheegay in hishiiska wixii ka dhimanaad lagu dhamaystiray Garoowe, Madaxweynaha Puntlland ayaa xusay in hishiiska lagu gaaray Garoowe ay guul u tahay bushada ku nool Puntlland iyo dowladooda

Dhinac Isimada waxaa kulanka goob joog ka ahaa Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaaska , Ugaas Cali Ugaas ayaa madasha shirka ka sheegay beeshiisu ay diyaar u tahay ayna hirgelinayso  hishiiska laga gaaray colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobol ka Mudug isagoo xusay in dowllada Puntlland ay kala shaqayn doonaa dhinac nabada. Ugaas Maxamed Ugaas Cali ayaa ugu baaqay dowllada Puntlland iyo shacabkuba in ay ku dadaalaan cadaalada isagoo Ugaasku sidoo kalena  si qoto dheer uga hadlay dilalka dhaca iyo in ay xaaraan tahay in qof muslim ah  la iska dilo.

Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax oo ka mid ah isimada waaweyn ee Puntlland ayaa isagana soo dhaweeyey hishiiska isagoo ugu baaqay cuqaasha , Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax ayaa baaq u jeediyey beelaha walaalaha ku dagaalamaya Gobolka Bari  waxaan uu ugu baaqay in xabada la joojiyo loona gudbo laguna dadaalo nabada, Isimada in si wada jir ah hishiiska loo fuliyo shirka xalay ayaa lagu soo afmeeray colaadii ka dhacday Gaalkacyo waxaan waxgaradkii ka qayb galay shirka ay isku raaceen hishiis buuxa oo laga gaaray dhibaatadii ka dhacday Gaalkacyo.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online