Koox hubaysan oo xalay ku dilay nin ganacsade ah degmada Balcad ee gobolka Sh.dhexe

November 29, 2011 - Written by

Muqdisho:-Koox dablay ah oo hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku dileen degaanka Ceel-Geelle oo ka tirsan degmada Balcad nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay degmada Balcad , ganacsadaha la dilay ayaa waxaa magaciisa la oran jiray Ooyaaye Sheekh Cali  ilaa hadda ma cadda sababaha loo dilay ganacsadahaan iyo cid fulisay dilka.


Degmada Balcad ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-shabaab oo iyagu in mudo ah ka talinayey ilaa iyo intii ay burbureen ururkii Maxkamadah Islaamiga oo iyagu gacanta ku hayey degmada Balcad
iyo gobolka Sh.dhexe.

Ehelada ganacsadaha la dilay oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka ganacsade Ooyaaye Shiikh Cali iyagoo dilkaas ku tilmaamay mid laga xumaado, ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta ururka Al-shabaab oo iyagu gacanta ku haya degmada Balcad balse waxaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ay ka hadlaan dilka foosha xun ee lagula kacay ganacsade Ooyaaye Sheekh Cali.

Wixii war ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online