Al-Shabaab iyo sarkaal ka tirsan Dooxada Shabelle oo guulo sheegtay dagaalka ka socda B/weyne

December 31, 2011 - Written by

Hiiraan:-Afhayeenka  Ciidamada  Alshabaab Sheekh C/casiis  Abuu Muscab ayaa  ka warbixiyay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada  Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana uu sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay 3 mar jabiyeen ciidamadii huwanta ahayd ee saaka sooo weeraray magaalada Baladweyne

Sheekh Abuu  Muscab ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah ay soo weerareen saaka magaalada B/weyne waxayna ciidamada Itoobiya ku hubeysnaayeen gawaari badan oo tikniko wuxuuna cadeeyey in ay 3 goor jabsheen ciidamada soo weeraray B/weyne markii danbana ay si xeeladeysan difaacyada hore uga soo gurteen ciidamada al-Shabaab iyaga oo aan waxba soo gaarin.

Afhayeenka  Ciidamada  Alshabaab Sheekh C/casiis  Abuu Muscab ayaa sidoo kale ku qiyaasay ciidamada Itoobiyaanka ee soo weeararay magaalada B/weyne in ay gaarayeen ilaa 3000. oo askari ayna wateen ilaa 40 gaari uural ah.

Sheekh Abuu Muscab ayaa amaanay sida ciidamada Al-Shabaab ay iska difaaceen ciidamada huwanta ah wuxuuna sheegay in dagaalka uu wili u socdo si goosgoos ah gudaha magaalada.

Dhanka kale Sarkaal u hadlay  Maamulka Dooxada Shabelle oo la yiraahdo Max’ed Nuur Cagojoof ayaa dagaalada B/weyne guul ka sheegatay wuxuuna sheegay in ay magaalada oo dhan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaabna ay ka saareen .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online