Al-shabaab oo uga digay dowllada Jabuuti in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya

December 16, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxda Ururka Al-shabaab ayaa digniin u diray dowllada dalka Jabuuti iyagoo uga digay in ciidamo ka socda dalka Jabuuti ay u soo diraan dalka Soomaliya gaara ahaan caasimada Muqisho,ururka Al-shabaab ayaa ugu hanjabay dowllada Jabuuti haddii ciidan ay leeyihiin ay ku soo biiriyaan ciidanka AMISOM ay la dagaalmi doonaa. Dowlladda Jabuuti ayaa waxaa ay usbuucii hore ay sheegeen in ciidamo ka socda dalkooda ay ku soo biiri doonaa ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in tirada  ciidanka  Jabuuti ee imaan doona magaalada Muqdisho in ay gaarayaan ilaa 850 askari.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayaa uga digay in dowllada Jabuuti in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya haddii ay u soo diraan ciidamo ay dagaalka ay kula jiraa ciidanka AMISOM ay ku soo biiri doonaa.

Dowladda Jabuuti ayaan ilaa hadda ka hadal codsiga iyo goodiga uga yimid  ururka Al-shabaab ee ku aadan ciidanka ay doonayaa dowllada Jabuuti in ay u soo diraan magaalada Muqdisho si ay u xoojiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online