Bam gacmeed lagu tuuray xalay Saldhig Boolis iyo ciidanka Boosaaso oo wada baaritaano

December 20, 2011 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay howl galo ku raadinayaan  nin dhalinyaro ah oo xalay Bam gacmed ku tuuray saldhiga ciidanka Booliska ee Minjir oo ku yaala xaafada Biyo kulule ee magaalada Boosaaaso.  Xalay ayaa ninkaan waxaa uu Bam gacmeed ku tuuray Saldhiga isagoo isla markaasna baxsaday.

Ilaalada Ciidanka Booliska ee Saldhiga Minjir  ayaa rasaas badan ku riday balse uma suuroobin in ay ku guulaystaan in ay qab taan nin weerarka ku soo qaaday maadaam waqtiga weerarku dhacay uu ahaa waqti habeen ah, Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska Boosaaso Farxaan Siciid ayaa xaqiijiyey in weerarka bam gacmeedku uu jiro wax khasaaro ahna uu ka dhalan, Sarkaal kaan ayaa sheegay in weerarka xalay uu ahaa naf la caari ka dib markii ay ciidanku ay guul weyn ka gaareen in ay qabtaan kuwa magaalada ka waday qas iyo fowdo mardhowna Maxkamada lala tiigsan doono.

Weerarka bamgacmeedka ah ee lagu qaaday Saldhiga Minjir  ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Boosaaso howl galo ay ka sameeyeen ciidanka Booliska ay ku xirxireen dad fara badan iyagoo qaarkood ku eedeeyey in ay ka danbedeyaan dilkii Alllaha u naxariistee  Sh Dr Axmedd Xaaji Cabdiraxmaan, dadka la xiray ayaa ah kuwa aad u tiro badan waxaan weli ka socda magaalada Boosaaso iyo magaalooyin kale howl galo lagu baacsanayo kuwii dilka foosha xun kula kacay Allaha u naxariistee Sh. Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online