Bannaysiga dhiigga culumada shalay iyo maanta W/Q Maxamuud Madar

December 11, 2011 - Written by

In badan oo ka mida umadda soomaaliyeed oo maanta nool waxay goobjoog ka ahayd culumadii  soomaalida ahaa ee nidaamkii shuucigu  uu toogtay halka inta kelana ay dhacdadaas taariikh ahaan ku soo gaadhay. haddaba dib u jaleecidda taariikhdu waxay kuu sahashaa fahamidda  dhacdooyinka aad la nooshahay, si aan u fahamno laynta culumada ee maanta bal aan eegno wixii shalay lagu laayay.

Waxaa shuuciyaddu culumada ku eedaysay :

1-inay diinta ka been sheegeen.

2 in ay umadda marin habaabinayaan.

3-in ay yihiin wadaad xumayaal  xaqiiqada aan fahamsanayn.

4-kacaanka inay ka soo horjeedaan.

5- inay xubno ka yihiin urur diineed ka soo horjeeda xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed.

6-iyo inay shisheeye kalkaal  yihiin.

Maxay maanta  kaqaybgalayaashii shirkii baydhabo qaarkood culumada ku eedeeyeen ?

Waxay ku eedeeyeen:

1-inay diinta ka been sheegeen.

2-in umadda ay marin habaabinayaan.

3-in ay yihiin wadaad xumayaal علماء السوء  .

4- mujaahidiinta inay ka soo horjeedaan.

5-in ay ururo habaar-qaba ka tirsan yihiin.

6-inay hay,ado sirdoon u shaqeeyaan.

Hadaba isku ficil iyo qawl ekaa labada qolo maxaa ka dhexeeya ?

Aragtidayda wax lala yaaba ma aha in dad meelo  ku kale duwan ay meelo kale iska shabahaan,

Hadaanse su’aasha jawaabteeda u soo noqdo, waxaa kamida waxyaabaha isu ekaan shaha sababay:

1-baqdinta ay ka wada qabaan xujada culumada ee xoogga badan ee daliilka iyo xikmadda cuskani inay ka kala firdhiso taageerada shacabka ee xoog  ku tacabka ah. 

2-jidka la rabo in loo maro hanashada iyo xukunka shacabka oo ku dhisan mabda  xoog ku hirgalin

3-u dulqaad yaraanta kala duwanaanshaha ra,yiga.

4-difaacidda kursiga.

5-iyo in qolo walba ay si fiican ugu muujiso asxaabta ay fikarad wadaagta yihiin ee geed fadhiga u ah in ay si saxa u hirgaliyeen mabda,a  kali ah ee xalaasha ah ee aduunka  ka jira.!!!

Maxay shuucayaddii ka dhaxashay  laynti culumada ?

Layntaasu waxay u horseedday  shuuciyaddi:

1-go,doon ay ka galeen caalamkii islaamka .

2-in culumada intii soo hadhay ay dareentay khatarta diineed ee umadda soo foodsaartay  isla markaasna ay u hawgaleen qaab u dhigma culayska saaran.

3-in si lixaad leh dhallinyaradii soomaaliyeed iyo guud ahaanba ummaddii ay ugu jeedsatay fahamka diinta ee saxiixa ah.

4-in guud ahaan ummaddu ay fahamtay xaqiiqada loollanka socda ayna dhiiratay.

5-iyo ugu danbayn in wixii ay ka baqayeen oo dhan uu dhacay.

Banaysashadan cusub ee dhiiga culumada iyo guud ahaan birmagaydada ummadda waxa ay dhaxal siin doonto kuwa ku hawlan  an u  hanbeeyo  inta igaga fiican saadaasha.

 Soomaalida manta maxaa kala gudboon laynta culumada iyo guud ahaan hal doorka ummadda ?

Taariikhda dheer tan dhexe iyo midda dhowba waxay marag kacaysaa in soomaalidu aynan dhaqan u lahayn inay dari ulahaato ama ay jilbaha u dhigato kali talisnimo horseedda kutumashada hal doorkkooda,gaar ahaan xiligan aduunyadu halka tuulo ay noqotay,umadduna ay aragto isbadalka aduunka ka socda,kaasoo cod dheer kaga horyimid midabkasta oo ay leedahay amar ku taaglaynta qabwaynidu ku ladhantahay.

 Soo Saahid Qamaankii xoola dhaqatada ahaa ma ahayn kii ka dhiidhiyay amarku taaglaynti iyo macangagnimadi amiirki qabiilkiisa isagoo saahid tiriyay gabaygiisii taariikhda baalka dahabka ah ka galay ,oo xilli walbana loo soo daliishado ba,naanta isla qummanaanta xad dhaafka ah meel ay ku timaadaba haday huwantahay magac suldaanimo beeleed,ama hogaan siyaasadeed,ama xataa ha loo galiyo khamiis diineed e . Gabayga oo dheeraa waxaa ka mid ahaa:

  • Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
  • Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye
  • Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
  • Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
  • Nin mudmuday dharkayn hoosna maray,mudhuxyey shaaleeye
  • Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
  • Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
  • Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin….

 Ugudanbayn waa in umaddu is way diiso in nimankii codka dheer ku muujiyay in ay khaladtahay in laga leexleexdo dhiigga culumada, hadaanay danbi ku lahayn laynta culumada,maxkamaddi sare ee kacaankuna  tolow danbi ma kulahayd dilkii 10ki sheekh allaha unaxariistee. ?

 Haddii intii raaliga ka noqotay fatwadii baydhabo aynan danbigalin waa maxay danbigi ay galeen xisbigi hantiwadaaga kacanka soomaaliyeed.? Culumadu khalad ay tilmaameen kali ah soo shalay iyo maantama kuma aynan mudan laynta?

 W/Q/  Maxamuud M adar

 Halgan.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. runbadanaa xaqiiqadu waa saas

  2. maa shaa allah maqaal raa ic ah ilaahow cimrigaaga cibaado ku dheeree

Leave a comment

*