Bayaan culumada ay ka soo saareen dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan(Akhriso)

December 7, 2011 - Written by

Boosaaso:-Nadwo diini ah oo xalay lagu qabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa looga hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxamaan waxaana ay culumada si weyn u dhaleeceeyeen cida fulisay iyo kuwa diyaarshay jawigii lagu dilay Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan nuqul ka mid ah bayaanka  waxaana uu u qornaa sidan.

Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
Taariikh: 10/Mux/1433
Ku aadan:06/Dec/2011
Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed oo ahaa Caalim caan ka ah bulsha waynta Muslimka ah gaar ahaan Soomaalida ayaa waxaa loogu dilay magaalada Boosaaso si arxan darro ah asagoo salaadii subax ku soo tukaday masjidka Xasan binCaliisla markaasna soomanaa taasuucaa muxaram. 
Haddaba culimada oo aad uga naxay dilkaas gardarro ayaa ka soo saaray baaq ay ku cambaaraynayaan dilkaas baaqaas oo u qornaa sida soo socota:

Waxay Culimadu cambaaraynayaan dilka loo gaystay Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed kaas oo ahaa dulmi iyo gabood fal wayn.

Waxay Culimadu u iftiiminayaan bulshada soomaaliyeed in dilka Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan uu xiriir toos ah la leeyahay shirkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee loogu magac daray badbaadada xarakada Shabaab, kaas oo ay ka qayb galeen Sh.Xasan Daahir Uways, Sh. Jaamac C/salaam Warsame, Sh.C/llaahi Raabi Kaahin, iyo Sh.Xasan Max’ud Takar oo ahaa ninkii ugu hadal adkaa raggii halkaas ka hadlay sheegayna in Culimada Ictisaam ay mudanyihiin in umadda laga qabto maadaama Axmed Kayseba la dilay.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan guud ahaan bulshada soomaaliyeed in ay ka horyimaadaan dadka caadaystay dilka muslimiinta guud ahaan gaar ahaa dilka Culimada sida dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan umadda soomaaliyeed in ay garab istaagaan una gargaaraan Culimada wadda xaqa iyo maslaxadda Ummadda.

Waxay Culimadu uga tacsiyaynayaan guud ahaan ummadda gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii  dilkii Shiikh Axmed Xaaji C/raxmaan samir iyo iimaana kulligeen Allaah  ina ka siiyo.

Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuu ahaa la dagaallan cilmiga iyo xujada cad ee uu ku hubaysnaa, sidoo kale wuxuu ahaa dilkaasu indha ka ridid indhaha laga riday Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed in ay ka qunuudaan masaajidda oo la habaaro kuwii dilay, kuwii ka dambeeyay iyo cid walba oo xog ogaal ka ahayd in shiikha la dilo ama ka talisay  si ay if iyo aakhiroba u hoogaan.

  • Waxaan Allaah uga baryaynaa Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan in uu ka waraabiyo Jannada Firdawsa Qabrigana u waasiciyo, degaankiisana wanaajiyo Eheladii, qaraabadii iyo umaddaba uu baddal khayr qaba siiyo.
  • Ugu danbayn waxaan Allaah ka baryaynaa in kuwii soo abaaulay dilka shiikha iyo kuwii fuliyayba in  adduun iyo aakhiraba  Allaah uu ku ceebeeyo, ciqaab degdeg ahna  uu ka muujiyo. 

Culimada saxiixay bayaanka. 

  1. Sh.C/qaadir Nuur Faarax
  2. Sh.Daahir Aw-Cabdi
  3. Sh.C/naasir Xaaji Axmed (Abu-Mux’ed)
  4. Sh.Axmed-daahir Xasan Xuseyn
  5. Sh.Xasan Xuseyn Axmed
  6. Sh.Max’ud Xaaji Yusuf
  7. Sh.Max’ed Macalim Axmed
  8. Sh.Axmed C/samad Cabdulle
  9. Sh.Xasan Max’ed Ibraahim (Abu-Xasaan)

10. Sh.Axmed Faarax Garaase

11. Sh.Yusuf C/casiis Max’ed

12. Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

13. Sh.Max’ed C/llaahi Xoosh

14. Dr.Max’ed Cabdi Aadan

15. Dr.C/qaadir Siciid Kawir

16. Dr.Jaamac Xaaji Warsame

17. Sh.Max’ed Jaamac Xaashi

18. Sh.Max’ud Faarax Bile

19. Sh.Dalmar Guureeye Kaarshe

20. Sh.Badar Xabiib X.Jaamac

21. Sh.Faarax Max’ed Cajab

22. Sh.C/raxmaan Aw-Ciise

23. Sh.Max’ed Max’ud Ciise

24. Sh.Max’ed Faahiye Ciise

25. Sh.Yaasiin C/llaahi Cali

26. Sh.C/raxmaan Max’ed C/llaahi

27. Sh.Axmed Cawaale Gaare

28. Sh.C/qaadir Yaasiin Max’ed

29. Sh. Cali Max’ed Cali

30. Sh.Axmed Yusuf Daad

31. Sh.Max’ed C/llahi Cabdulle

Hoos ka dhageyso Bayaanka Culumada

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/fuad.mp3]

7 Comments so far

Leave a comment

  1. SC inaalilaahi wa inaa ilahi raajicun alaha unaxariistu sheekh Dr axmed xaaji cabdiraxmaan janatul fardowsana alaha geeyo culimada khayar alaha siyyo culima dardankooda dhaxal galkaa khayar alaha idinsiiya sheekha fauad hadal adag bu yiri run gagbadisii ninkii mowdka noo hayow yuu mid naga naga daaqin waa rintiis walaahy ilahay ha idin xifdiyo dhamanatiin kulu nafsin daa iqatul mowt

  2. asc wr wb
    maa sha allaah tabaarakallaahu culimada soomaaliyeedna allaah kheer ha siiyo sida wanaagsan eey mowqifka uwada gaareen allaah is waa fajiyo kalimada culimada soomaaliyeed oo dhan intii caqiido wanagsan oo wax ka qaldan yihiina allaah hasoo hanuunsho allow kalimada muwaxidiidnta iswaafaji allow cadowka iyo afkaarta qaldan eey culimada nagu direeyso allow quluubteena ka sifeey allaahuma aamiin

  3. as cl wr dhamaan dadkii iyo eheladii uu ka dhintay sheekheena sh.a/rahman allah samir iyo imaan ka siiyo. laakiin waxaa suaal mudan oo aan anigu la yaabanahay shiikha allaah ha u naxariistee waxaa la dilay waqti hal saac ah oo dadka dhan ay soo jeedaan oo laga yaabo tukaamadu ay furan yihiin oo waliba rasaasta dhawaaqeeda la maqlaayo ama dadka qaarkood ay arkaayaan miyaanan dadkaas la qaban karin oo ama laiska celin karin markaas ay fuliyeen ficilka xun. maalin walba dadbaa horteena lagu dilayaa ama lagu xoogayaa markaas ayaan indhaha ka fiirsanaynaa oo aan jac laga dhahaynin? anagoo dhan ayaa ka masuul ah marka ficiladaan oo kale?

  4. Allaah ayaan waydiisanaynaa inuu culimada noo xifdiyo,kuwa dhagarqabayaasha ah Ilaahay aduun iyo aakhiro ku ceebeeyo.

  5. salamu calaykum aad iyo ayaan u naxay dilka xaqdarada ah oo logaystay calimka Dr.sh.A/rahman, waana fal ka fog Islanima ,biniadanimada,iyo nooc kasta Naxariis ah, Sheekhu Somali oo dhan ayuu ka dhintay, kuwa qorsheyey ama fuliyey dilkasna ceeb ayey ku tahay in ay macaga Islamka iyo magaca Somali sheegtan ,Nimanka Baydhabo ku shirayna oo ka danbeyey dilkas yaan Magca Sheekh lagu wacin,ee mujrimiin ha lagu waco.Ilaah waxaan ka baryaya in uu aduuyada u jaaseeyo,falka xun oo ay galeen ,akhirana Cadabta hoygooda ka dhigo, dhibatada ay umada ku hayana ka qabto, wabillahi tawfiiq

  6. nin weyn ayaa naga dhintey/ilaahey ha u naxariisto/ku wii kadenbeyay ilaahey cadaabta ha ku waariyo/ rer puntland waxa u shegayaa in ay mudaharasen/si kuwa ku dhax dumanayo u ogadan/qofkii wax diley magaalada ayuu joogaa waa inla lasoo gabtaa/10 kale ayaa u qorsheysan in ay dilaan/marka ciidamada waa in ay ka horta gan/hadii kale is casilan/meesha waxba kuma hayaa /mar walba wax ayaan bareynaa ayey leyihin waxna ma qabtan/madexweyne/faroole/meesha wax ka qabo/bolis somalind /ayaa idin dhama/sobabtoo ah /wax walba wey la socdan/magaranayo idenka waxa idin heesta/si hadii loo fiiriyo lacagta nabad gelyada ku baxeysa waxa bixiya undbda/marka waxa ka welwelesan maxay tahay/mise waa maamul xumo

  7. ASC SALAANTA KA DIB CULIMADA ALLAH XIFDIYO BAYAANKAANA WAAN KU QANCAY SHEEKH DR AXMED XAAJINA ALLAAAH NAXARIISTII JANNO HA SIIYO GACANTII KA DANBAYSAYNA CIQAAB ADUUN IYO MID AAKHIRO ALLAHA TUSO KUWA DILAY IYO KUWA SOO TAKHDIIDIYEYBA TAWBAD MALAHAN OO MU,MIN BAY DILEEN WALLAAAHI SHEEKHA AAD BAAN U AQAAN MU,MIN BUU AHAA ALLAAH BAANA DOORTAY ADINKANA ALLAAH HA IDIN BARAKEEYO OO YAAN LA CABSAN XAQANA HALA CADEEYO

Leave a comment

*