Bayaan ka soo baxay kulan diimeedkii lagu qabtay, Masjidka Abubakar Assadiq,Minneapolis

December 13, 2011 - Written by

Minneapolis:-Waxaa lagu qabtay Masjidka Wayn ee Abubakar As-saddique Islamic Center Minneapolis, MN, Kulan Cilmiyeed halku dheggiisu ahaa: (SAAMAYNTA DHIMASHADA CULIMADU UMMADDA KU LEEDAHAY) Jimce 12/9/2011 ilaa Axad 12/11/2011, Laguna Falanqeeyey, Geeridii Allaha u Naxariistee, Sh. Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan, Waxaana kasoo Qayb galay dadweyne aad u fara badan, qaar kale oo baddanna wexey kala socdeen qalabka warbaahinta kala duwan. Culimada Kulankan ka qayb gashay ee hoos ku qoran, ayaa ka jeediyey madasha Muxaadarooyin kala duwan, kuna saabsan, khatarta ay leedahay daadinta dhiiga Muslimka iyo in si fudud lagu bannaysto, iyo Taariikhdii iyo Manhajkii Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman, Waxay kale oo ku soo bandhigeen, Fataawi iyo Hadallo tilmaamaya in Culimada la layn karo, iyo email handadaad ah oo dad aan la garanayn usoo direen Dr. Axmad Allaha u naxariistee, ka dibna Culimadu wexey kasoo saareyn Kulankooda Baaqan Soo socda:

 1- Dhamaan Culimada isugu timid kulan diimeedkan waxay uga tacsiyaynayaan ummada Soomaaliyeed iyo ehelka iyo qaraabada, geeridii Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee, oo lagu dilay shirqool loo dhigay, magaalada Boosaaso 9 Muxarram, 1433 (12/5/2011).

 2- Waxaan si xoog leh u cambaaraynayaa dilkaa gardarada ah, cidkasta oo lug ku leh sida; cidii gaysatay, cidii ka qayb qaadatay iyo ciddii amarkiisa iyo fatwadiisa bixisayba.

 3- Waxaanu naseexo u soo jeedinaynaa dadka caadaystay dilka culimada, aqoonyahanka, iyo indheergaradka soomaaliyeed in ay ka waantoobaan oo ay Ilaahay uga cabsadaan falkaas foosha xun ee dabargoynta ku ah ummada Soomaaliyeed.

 4- Waxaan uga naseexaynaynaa dadka bixinaya fatwooyinka lagu banaysanyo dhiiga dadka muslimiinta ah gaar ahaan culimmada, in ay ka waantoobaan ilaahayna uga cabsadaan fatwada sharci darada ah oo ay bixinayaan. fatwadaas oo ay ka mid tahay tii Baydhabo ka soo baxday iyo kuwii ka horeeyey, Fatwadaas oo ah tii lagu dilay dhiigiisana lagu banaystay Shiikh. Dr. Ahmed xaaji Cabdirahmaan sida Sh. C/qaadir Nuur Faarax sheegay, sidoo kale fatwooyinkaas oo sabab u noqon kara in culimo kalena la laayo.

 5- Waxaa xal u noqon kara dhibka umada Soomaliyeed iyo mideynteeda dhaqangalinta shareecada islaamka arinkaas oo ah waajib sharci ah, ayna hormuud u yihiin culimada ehelka u ah, Iyo In loo daayo Ummadda Soomaaliyeed Arrimeheeda iney iyadu xaliso.

 6- Waxaanu ka soo horjeednaa aadna u cambaaraynaynaa fara galinta wadamada shisheeyuhu ku hayaan wadanka Soomaliya. Faragalintaas oo ay ugu dambaysay ta hada ay ku hayaan wadamada Kenya iyo Itoobiya.

 7- Waxaan ka digaynaa khatarta ay leedahay in ay koox kaliyihi maroorsadaan aayo ka talinta mustaqbalka umada Soomaaliyeed. Dhammaan qaybaha Ummadana waxaanu ugu baaqeynaa iney Ilaahay u tawbad keenaan, wixii khilaafana u celiyaan Shareecada Islaamka.

 8- Umada Soomaliyeed waxay maraysaa marxalad aad u adgag, waxaan culimada, aqonyahanada odayaasha,iyo indheergarad kaba kula talinaynaa in ay si wada jir ah isaga kaashadaan xalinta dhibaatada umada soomaliyeed wada hadalna la furo.

 9- Ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyo guud ahaan qurbajoogta waxaan usoo jeedinaynaa inay ku dhagaan Diintooda Islaamka ee Xaqa ah, kuna xirmaan Xarumaha Islaamiga ah iyo Culimmadooda.

 Culimada bayaanka ku saxiixan:

 1) Sh. Cabdiraxman Sheikh Cumar Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Imaamyada Soomaaliyed ee Waqooyiga America, Imaamka Masjid Abubakar

 2) Sh. Maxamed Idris Axmad Guddoomiyaha Golaha Fulinta, Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America

 3) Sh. Axmad Nuur Macalin Imaamka Masjid Abubakar Assadiq, Seattle, WA

 4) Sh. A/rizaaq Xaashi Madax Machadka Islamiga, Abubakar

 5) Sh. Cabdullahi Ibrahim Culimada Masjidka/Machadka Abubaker, MN

 6) Sh. Maxamed Mursal Imaamka Masjid Al Ixsaan, St. Paul, MN

 7) Sh. Cabdirizaaq Sancani Imaamka Masjid Rawdah, Minneapolis

 8) Sh. Maxbuub Cabdullahi Imaamka Masjid Darussalam, Barosville, MN

 9) Sh. Mohamed Shucayb Culimada Masjidka, Machadka Abubakar, MN

 10) Xasan D hooye Maamulaha Masaajidka Abuubakar

 

Minneapolis, 12/12/2011

Hassan Jama (Hassan Dhooye)
Executive Director
Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
Email:aaic@abuubakar.org

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC Jazakumullahu Kheyran. Ilaahay ha idinka abaal mariyo kalimaadka xaqa ah eed ku nasteexeyseen. Qolyahan Alshabaabna Dhibkooda Allaha naga qabto.

  2. Run ahaantii waa qodobo fiicaan oo dexdexaadnimo ka muuqato. waxaana muhiim ah inaan dika sheekha cidna dusha laga saarin iyo ka soo horjeedka ciidamada shisheeye.

Leave a comment

*