Baydhabo iyo Baaqii Baa,binta Culumada W/Q Abdisalaan F Gas.

December 8, 2011 - Written by

Ugu horayn waxaan tacsi murugo iyo tiraanyo xambaarsan u dirayaa Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan ummada Soomaaliyeed geeridii naxdinta iyo murugada badanyd ee ku timid Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN


Waa kilmada ugu badan oo maalmahaan ka soo baxaysa qof kasta oo Somali ah,  qof kasta oo danaynaya danaha bulshada soomaliyeed, danaynaya Khayrka iyo dacwada ka socota daafaha aduunka,qof kasta oo dareen islaami ah ku jiro,  qof kasta oo wax ka garanaya qiimaha iyo miisaanka uu lahaa Sh Dr Axamed Xaaji C/raxmaan ALLAAH ayaan u waydiinaynaa inuu Jannatul firdawsa ka waraabiyo.Hadaba si fudud hadaan isu waydiino maxay sheikh iyo shariifba uga wada naxeen oo ay ilaa hada uga murugaysanyihiin dilkii Dr Axmed.Waxaan is leeyahay 22kii sano waxa masaa,ib dhacayay, waxa dad la dilayay, waxa umado bara kacaysay qof dilkiisa ama dhimashadiisa saas looga wada naxo ma soo marin Somaalida.Sababtuna waxaan is leeyahay waa.
Qiimaha iyo miisaanka uu lahaa Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan, oo aanan maqaal iyo maqaalo lagu soo koobi Karin.
Hawlaha aanan la soo koobi Karin ee uu hayay bulshada somaaliyeed ee ay ugu dambaysay hawshii uu ku guda jiray habaynkii ugu dambeeyay noloshiisa.Waxaa intaas oo dhan ka xanuun badan meesha uu tuhunku jiro iyo cida ilaa hada farta lagu fiiqayo oo diin sheeganaysa. Gablan Tala Adduuneey maxay galaba heer joogtay ( waxaa dhici karta inay Janna ku raadsadeen dilkii Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay dileen asagoo salaad subax ka soo baxay asagoo sooman, asagoo maalmo ka hor waajibka Xajka soo gutay) ALLAAH ha u naxariisto. Intaas iyo inkale oo badan ayaa sabab u ah murugada iyo tacsiyada ay qaadi la,yihiin dhamaan warbaahinada soomaaliyeed noocay doonto ha noqote, xitaa ku dar kuwii shalay lahaa waa jaajuus ay tahay in la dilo.
HADABA HALYAYGA SAAS LOOGU BAROORTAY YAA HABAAR QABE AH OO HAGARDAAMADAAS GAYSTAY.

Marka la baarayo fal dambiyeed noocaan oo kale ah, waxa ugu horeeya oo la baaraa inay horaysay wax Dagaal ah oo ugu dambeeyay, wax hanjabaad ah, cid hadalhaysay, cid ka faa,idaysan karta dilkaas IWM 

HADABA markaynu dib u jalleecno arimahaas iyo kuwa kale oo badan,Waxa kuu cadaanaysa sababta dilka Sh Dr Axmed loo saarayo Al Shabaab. 

Sababtoo ah ayaga ayaa tira aan la koobi Karin Hanjabaad u soo diray. Ayaga ayaa shaqo iyo camal ka dhigtay cayda iyo Aflagaadada Culimada nadawaatna u qabtay, 

Ayaga ayaa jawaasiis gaalada u shaqaysa ku tilmaamay culimada, Ayaga ayaa murtadiin ku tilmaamay Culimada, Ayaga ayaa culimada ku tilmaamay inay ka daranyihiin kuwa amisoom keenay.Sababahaas iyo sababo kale oo aad u badan ayaa la wada ogyahay oo cadaymo loo wada hayaa.
Waxaan la yaabanahay ninka intuu dhagaysto wixii Baydhabo looga hadlay hadana diidaya tuhunka ah al shabaab ayaa Shiikha dilay sababtoo ah Waxaa baydhbo la isku waydiiyay markii culimada jawaasiis lagu sheegay ayaa la is waydiiyay Axmed Kayse hadii lagu dilay inuu gaalada hoos hoos ula shaqaynayay maxaa dhacay oo loo daawanayaa ragaan sida cad ula shaqaynaya, culimada ayaa laga wadaaye la soco inay gaalada si cad ula shaqaynayaan,
Marka qofka aysan caadifada Indha tirin oo in yar oo caqli ah ku jirto oo intaas dhagaystay habaynkii 2aadna Shiikha la dilay, caqligiisa ayaan waydiinaya sababta uu ku diidaya illeen amar baaba lagu bixiyaye.
Waxaa intaas ii dheer maalintii Shiikha la dilay baan waxaan Ceelasha biyaha kala xiriirnay nin ka tirsan ragaas Baydhabo shirka ku qabtay,
Waxaan waydiinay war maxaa dhacay ma hawshii baad deg deg ku bilaabatay Wuxuu noogu jawaabay ( Adeer Hawshu waa soconaysaa ilaa aan dhamayno inta soo hartayna ay anaga na hoos yimaadaan raga aad culimada ku sheegaysid) INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. waan ka xumahay inaan hadalkaas soo guuriyo oo waan ogahay inay ka ilmaynayaan aadna uga xumaanayaan Akhyaar badan oo ka naxaya waxa meeshaas ka soo yeeraya.
Gababadii waxaan leeyahay soomaaliyay tanna ma kuu dambaysay.
Waxaan kaloo is waydiinayaa talaw yaa liiska ku jira oo aan dardaaranka ka sii qornaa, waxay naxdintu I hilmaamsiisay inaan waydiiyo ninkii ceelasha biyaha joogay shakhsiga Dr Axmed ku soo xiga, illeen asagaa yiri waan dhamaynaynaaye.
Waxaan culimada iyo ducaada kula dardaarmayaa inay laba jibaaraan dacawada iyo khayrka daraadiis lagu ugaarsanayo sababtoo ah waa wadadii Anbiyada iyo cidii jidkooda raacda.Waxaa Cajaa,ib ah Sh Umal Xafidahullaah, habayn ka horeeyay Dilkii Sh Dr Axmed Wuxuu ka hadlay wixii Baydhabo laga sheegay, wuxuuna hadalkiisa ku soo xiray in Xasan Takar iyo raga la fikirka ah loo haysto wax kasta oo Culimada soo gaara. Ka diba wa tan ay bilaabatay silsiladii laynta Culimada.
Xaqiiqada dhabta ah ALLAAH ayaa og lakin anaga waxaa noo muuqda intaas oo cadaymo ah ee aan sheegnay iyo in badan oo aan hal qoraal lagu dhamayn karin.
ALLAHA aysan waxba ka qarsoonayn ayaan waydiisanaynaa inuu aduunka nagu tuso dadkii falkaas fulaynimada ah gaystay.
waxaan kaloo ALLAAH waydiisanayanaa inuu intaan aakhira la gaarin aduunka cadaab ku tuso dadkaas.
Ceebtooda ALLAAH ha kashifo, jirka belaayo iyo cudurro aan ka bixin ALLAAH ha kaga sallido, geerida intey doonaan ALLAAH ha u diido.
F.G waxaan ka codsanayaa walaalkasta oo shaki arintaan uga jiro inuu dhagaysto wixii baydhabo looga hadlay gaar ahaan Hadalkii Sh Xasan Takar oo dhamaystiran maaha kan la jar jaray sidoo kale inuu daba galo gaalaysiinta hanjabaada joogtada ah ee har iyo habayn ka imaanaysa ragaas hada fartu ku fiiqantahay.
Wassalaamu Calaykum W/W
Abdislan F Gas
gaas78@hotmail.com

2 Comments so far

Leave a comment

  1. as akayaarey cajaladii xasan takar soo geliya

  2. sheikh cabdisalaan waa runtaa waxaas oo dhanna waa jiran ilaahayga qaadirka ah oo quwadda leh waxaan ka baryaynaa in uu ummadda ka qabto nimanka soo hubaynaya ciyaalka yaryar iyo wax magarataa oo culimadda in ay laayan umaddana indhaha ka ridaan aduunka fasahaadiyaan go,aansaday.

    waxaa layaableh nimanka dadkii ka dhigay, mid ay dilaan,caayaa, diinta ka saaraan,intaas bay umaddi soomliyeed u qaybiyeene yay xukumayaan,maxay xoraynayaan waa yaab,jihaadka waxaa loogu tologalay in diinta iyo dadkeeda lagudifaaco hadii ay yagu ka sharbataan gaaladiiba oo dadkii diinta ka saaraan qixiyaan cid ay xukumayaan iyo wax ay xoraynayaan lama garan karo.

Leave a comment

*