Caalim Geeridii waa Furin aan la Awdi karin.(Daawo 10 Muxaadaro oo Muuqaal ah)

December 23, 2011 - Written by

Sidaan horay idinku balan qaadnay illaahay fadligii waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 Muxaadaro oo daawasho ah, kana mid ah Nadwadii lagu qabtay Masaajidka Abubakar ee Minneapolis oo cin waankeedu ahaa “أثر فقد العلماء على الأمة Saamaynta Dhimashada Culimadu Ummada ku Leedahay” Muxaadarooyinkaan oo aad muhiim u ah kana faa’iidaysteen dad fara badan ayaa kuna soo aaday xili aad u xasaasi ah oo ah Dilkii loogu gaystay Boosaaso Dr. Axmed Xaaji Cabdirahman illaahay ha u naxariistee. Muxaadarooyinkaan ayaa ah kuwa ka sheekaynayaa taariikhdii Dacwada iyo sidii lagu soo gaarsiiyey marxalada ay maanta marayso, iyo dadkii dacwadaan soo unkay oo uu ka mid ahaa Dr. Axmed, sidoo kale waxaa laga hadlay Manhajka Dacwada Salafiyada Soomaaliya.Waxaan idiin rajaynaynaa inaad ka faa’iidaysan doontaan. Illaahay hanaga dhigo kuwa hadalka dhagaysta kiisa wanaagsana qaata.

Hoos ka dhagayso ilaa 10 muxaadaro oo Maqal iyo Muuqaal ah

2 Comments so far

Leave a comment

  1. as wr wb

    Walaalyaa ilaahy haka ajar siiyo culimada waqtigoodii qaaliga ahaa ku bixiyay dacwada iyo in ay dad kooda khaarka u sheegaan

    walaalayaa culumada noocaas ah ayaa in ladilo ama la aflagaadheeyo loo quuraa? Jawaabtu waa maya ee dadka isku dayay in ay dilaan ama caayaan waxaan leenahay Ilaahay haduu hanuun idinla doonay ha idin hanuuniyo hadii kalena iilahy umada ha idinka qabto waa al shabaab iyo wixii la mid ah

  2. HALA DHAGAYSO CULIMAD SOMALIDA AH OO HA LA MAQLO ILAHAY U INO NAXARIISAN DONAYE DIINTA SIDAY TAHAY HA LOGU DHAQMO

Leave a comment

*