Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo ka so degay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

December 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ayaa dhawaan ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili maalmihii la soo dhaafay la sugayey in ay soo gaaraan Muqdisho kuna soo biiraan ciidanka AMISOM , ciidanka dalka Jabuuti ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 200 oo askari

Amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad u adkeeyey ciidanka AMISOM ee gacanta ku haya Garoonka waxaan garoonka ku sugan Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM iyo weliba madax ka tirsan 2 gol e ee DFKM.  ciidanka dalka Jabuuti ayaa waxaa kale oo soo dhaweeyey Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof Gaas iyo safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan DFKM.

Dowllada dalka Jabuuti ayaa balan qaaday in ay u soo diri doona dalka Soomaaliya ciidamo gaaraya ilaa 850 askari iyagoo ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed in ay ciidamadooda ay soo dhaweeyaan maadaama ay wax ka sugayaan amaanka caasimada soomaaliaya ee Muqdisho balse masuuliyinta ururka Al-shabaab ayaa uga digay ciidanka Jabuuti in ay yimaadaan oo ku soo biiraan ciidanka AMISOM haddii ay ku soo biiraana ay dagaal la geli doonaa

Ciidanka dalka Jabuti ayaa ku soo biiray ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxaan dad badan saadaalinayaan in uu qayb ka noqon doono dagaalka u dhexeeya ciidanka AMISOM iyo kuwa ururka Al-shabaab oo dhowr sano ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online