Ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo marayey xadka Mandheera oo la weeraray

December 26, 2011 - Written by

Mandheera:-Ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo marayey xadka Mandheera iyo Baladxaawo ayaa waxaa lagu weeraray waxaana weerarka loo adeegsaday Miino dhulka loogu aasay ciidamada Kenya .Weerarka ka dib ayaa Ciidamada Kenya waxay fureen rasaas tiro badan waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah oo gaaraya laba qof sida Halgan.net ay soo gaarsiiyeen ducaada Mandheera.

Qaraxa lagu weeraray galabta ciidamada Kenya ayaa sarkaal u hadlay ciidamada Kenya wuxuu sheegay in aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Kenya ayaa qaraxa ka dib waxay hawlgallo ka sameeyeen Degmada Mandheera iyo xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya waxaana la sheegay in ay qabteen dhowr qof waloow markii danbe ay sii daayeeen.

Dowlada Kenya ayaa duulaan ku qaaday gobalka J/hoose si gardaro ah waxay sababtay u noqdeen in dagaalka ka socda gobalka J/hoose uu soo gaaro gudaha dalka Kenya waxaana qaraxyada ay ka dhaceen Degmooyinka Wajeer, Mandheera,iyo Gaarisa.

C/casiis Maxamed
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online