Ciidanka amniga Garoowe oo qabtay niman ku labisan tuutaha ciidanka Puntlland

December 22, 2011 - Written by

Garoowe:-Ciidanka amaanka ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland ayaa waxaa lagu qabtay rag ku soo labistay tuutaha u gaar ka ah ciidanka Puntlland kuwaas oo degay Hotel ku yaal magaalada kuwaas oo u jeedadoodu ay ahayd in ay soo dhexgalaan ciidanka Puntlland oo iyagu sugayey amaanka guud ee magaalada Garoowe ka dibna ay geystaan falal amaan daro.

Ciidanka amaanka ee  Garoowe ayaa  u dhacay Hotel ku yaal magaalada  oo ay deganaayeen ragaan aan ilaa hadda tiradooda la shaacin balse lagu qabtay hub iyo Dokumentiyo iyagoo raggaas markii la wiidiiyey ciidanka ay ka tirsan yihiin uu warkoodu uu iskhilaafay arrinkaas ayaa waxaa saxaafad u sheegay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ilaa iyo intii lagu dhawaaqay in shirka wadata shiga wajigiisa 2aad uu ka dhacay magaalada Garoowe la qabtay dad fara badan oo qaarkod lagu qabtay iyagoo wata hub sharci daro ah halka kuwa kale oo laga shakiyeyna la dhigay xabsiga Garoowe baaritaana lagu hayo.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali  ayaa waxaa uu fariin adag u diray ciidamada sida gaarka ah loogu xulay in ay ilaaliyaan amaanka caasimada Puntlland ee Garoowe isagoo uga digay in ciidan walba uu soo dhexgalo dad isku ekeysiiyey ciidamada kuwaas oo doonaya in falal amaan daro ka fuliyaan goobta shirka wadtashiga wajigiisa 2aad uu ka socodo.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka codsdaya dadweynaha hadii ay arkaan wax ay ka shakiyeen in ay la soo socod siiyaan laamaha maanka ee ciidanka Garoowe si looga hortago wax kasta oo wax u dhimi kara amaanka iyo nabadgelayda magaalada Garoowe oo hadda uu ka socdo shirka wadatashiga wejigiisa 2aad oo ay ka qayb galayaan Madaxda DFKM , Gal-mudug
Ahlusunha Waljamaac iyo Saraakiil ka socota UN-ka.

 

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online