Culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ee UK oo bayaan ka soo saaray dilkii Dr. axmad xaaji

December 11, 2011 - Written by

London:-culumada, ducaadda iyo masuuliinta masaajidda Somaliyed ee UK oo ka dhacay masjidka Daarussalaam ee galbeedka London ayaa looga dooday dhacdadii foosha xumayd ee dhowaan lagu khaarajiyey shiikh Axmed Xaaji Cabdurraxmaan, Alle ha u naxariistee.

Shirkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen waxgarad badan ayaa waxaa ka soo baxay bayaan wadajir ah oo u dhignaa sidan:

1.     Waxaanu, marka koowaad, tacsi u diraynaa eheladii, aqaaribtii, ardaydii, asxaabtii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee sheekhu ka geeriyoodey. Waxaanuna Ilaahay sheekha uga baryaynaa denbi dhaaf iyo derejo sare.

2.     Waxaanu cambaarayn iyo dhaleecayn u soo jeedinaynaa falalka foosha xun ee lagu ugaarsanayo laguna laynayo culumada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhammaan dadkii indhaha u ahaa bulshada.

3.     In shacabka iyo maamullada ka dhisan meelaha dadka lagu laynayo ay ilaaliyaan kuna hagoogtaan culumadooda iyo waxgaradka ay ugaarsanayaan dhagar-qabayaashu. Waxaa kaloo shacabka iyo maamulladaba ku waajib ah in ay isu kaashadaan sidii loo fashilin lahaa falalka noocan oo kale ahi inta aanay dhicin, haddii ay dhacaanna loo soo qabanlahaa denbiilayaashii falkaas geystey.

4.     In dadka magaca culumo xanbaarsan, ee soo saaraya fatwooyinka lagu bannaysanayo dhiigga shacabka iyo culumada iyo dadka wax-galka ah, ay Alle u toobad keenaan, kana laabtaan hadalladii horay uga soo baxay, ogaadaanna in ay iyagu qaadayaan masuuliyadda cid walba oo fatwadooda lagu dilo.

5.     In madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ay qaataan kaalintooda kaga aaddan islaaxinta iyo dhexdhexaadinta dhinacyada ku diriraya dalka, dhiigga daadanayana ay joojiyaan.

6.     In Qurba joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan reer UK, ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada dalkii ka taagan.

7.     Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay iyagu xalliyaan dhibaatooyinka dhexdooda ah, meeshana laga saaro faragelinta shisheeye, gaar ahaan waddammada deriska ah oo marwalba faragelintoodu dhibaatada sii kordhiso.

8.     Waxaan Allaah ka baryaynaa in uu addun iyo aakhiraba fadeexeeyo kuwii ka danbeeyey dilkii sheekha iyo culumadii iyo waxgaradkii ka horreeyey ee la laayey. Waxaanna Ilaahay ka baryaynaa in uusan cid sheekha ka danbaysa ku salladin.

9.     Ilaahay waxaanu Ummadda Soomaaliyeed uga baryaynaa inuu dhibaatada ka saaro, maslaxad iyo nabadna rabbu ku mannaysto.

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online