Culimmada Waqooyiga Ameerika oo talooyin ka soo jeediyey dilkii Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

December 8, 2011 - Written by

Inaalilaahi wa innaa ilayhi Raajicuun, Ilaahay Janadiisa ha geeyo Sh.Axmed Xaaji, ehelkii, qaraaba diisii iyo ummada Somaaliyeed samir iyo imaan ha ka siiyo,Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Maraakista Dacwada Salafka ku abtirsada ayaan u kala kicin shirar iyo xiriir kadib markii lasoo sheegay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Sh. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan illaahay ha u naxariistee.

Gudiga Fulinta ee Golaha Imaamyada oo madax u yahay Sh.Maxamed Idris iyo Culimmada iyo maamulada Maraakista ayaa habeenkii talaadada shir dag dag ah ku wada xiriiray khatka telephone-ka, ayagoo isla jeex jeexaya dilkii Dr. Axmed Xaji Cabdiraxmaan iyo saamaynta ay dacwada iyo ducaada ku yelanayo gudo iyo dibadba. Waxaa si kooban talooyin looga soo jeediyey in la isla gaaray qodobo dhowr ah:

1) Dacwada iyo caddaynta caqiidada iyo manhajka saxiixa ah in la dar dar geliyo, ummaddana wacyigelin buuxda oo dhan walba ah laga siiyo manhajka salafka, iyo in loo cadeeyo manaahijta gurracan ee takfiiriga ah ee xalaalaystay cirdiga iyo dhiigga culimada, ducaadda iyo guud ahaan ummada.

2) In Jimcaha soo socda dhammaan masaajidda Waqooyiga Ameerika laga soo jeediyo khudbad ka ka hadlaysa geeridii sheekha, manhajkii uu xambarsanaa, iyo raadka culimmada geeridoodu ku leedahay Ummada Islaamka.

3) In Xarunta ugu Wayn Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Abubakar AS-Saddique Minneapolis lagu qabto Jimca ilaa Axada bisha December 09-11, 2011 Nadwo Cilmiyeed balaaran loogana hadlo wacyi gelin iyo caddayn bulshada loo cadeeyo Manhajka saxiixa ah ee dacwada.

4) Xiriirinta iyo xanaanayta ehelkii iyo awlaadii Sheikha inay tahay Masuuliyad caam ah oo ummada u wadataal inay xil iska saaraan, maadaama Caalimkaas uu sababsaday faa’finta Kitaabka iyo Sunnada sidii Salafku u fahmeen.

5) Ugu danbayntii in la laba jibaaro Manhajka wasadka ah ee Caqiiddada Ahlu- Sunnuhu ku taagantahay, iyo in loo nusreeyo dariiqii cadaynta xaqa ee Sheikh Axmed ku taagnaa, culimmadana meelay joogaanba aysan hakad iyo cabsi ku keenin, falkaas waxashnimmada ah ee fulayga ah, xujana aan haysan. Ciribdanbeedka wanaagsana waxaa iska leh ku alle kabaqa.

Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Culimmada iyo Ducaada Minnesota ay galabta Shir isugu yimaadeen ayagoo kawada tashanaya sidii talooyinkaas iyo kuwa kale oo u muuqday loo meel marin lahaa.

Magaalada Minneapolis ayaa waxay u muuqataa inay tahay Boosaasadii labaad, sida looga dareemayo geerida Sheikh Axmed C/raxmaan illaahay ha u naxariistee, waxaa la oran karaa Geeridu iyadoo xaq ah, hadana sida ay u gil gishay dhammaan ummada Soomaaliyeed dhimasha Dr. Axmed Xaaji waa qubuul uu’ilaahay dhulka korkiisa u dhigay in ummada intii taqaanay iyo intii maqashayba ay isku si u damaqdo. Waxaa la isku raacsanuahay in Xidig wayn Soomaali ka dhacay, furina ku banaanaatay, hadana sidaas oo ay tahay dacwada iyo diintu way ku bulaashaa dhiiga saalixiinta la dulmiyo.
 
Nadwadana ka dhacaysa Minneapolis hoos ka daalaco
 
Halkaan riix si aad u aragtid nadwada oo faah faahsan
 
 
Hassan Jama (Hassan Dhooye)
Executive Director
Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
612-871-8600 Ext:3
Cell: 612-636-5338
Fax: 612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online