Dab khasaare badan geystay oo caawa ka kacay Suuqa magaalada Boosaaso.

December 2, 2011 - Written by

Boosaaso:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in caawa dab xooggan uu ka kacay qaybo badan oo ka mid ah suuqa weyn ee magaalada Boosaaso dabka ayaa waxaa loo maleynayaa in uu sababay qaraxyo xoogan oo ka dhashay fuustooyin shidaal oo ku keydsanaa qeybo ka mid suuqa Boosaaso.

Dabka ayaa waxaa uu ku fiday oo uu gaaray qeybaha suuqa weyn gaar ahaan qaybta iibka Maacuunka, qaybta bagaashka, qaybta raashinka,qaybta dharka iyo kabaha,qaybta qudaarta. Ciidamada dab demiska iyo dadweyne aad u tira badan ayaa la tacaalaya sidii ay u damin lahaayeen dabka waloow aan ilaa haatan lagu guuleysan dabka ayaa waxaa saro u sii qaaday fuustooyin ay ku jireen shidaal kuwaas oo khasaaro badan geystay.

Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa ku sugan suuqa waxayan rasaas ku kala ceyriyeen dad doonaya in ay daawadaan iyo raba in ay dhacaan hantida suuqa taal.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online