Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada DFKM kuwa AMISOM iyo ururka Al-shabaab

December 8, 2011 - Written by

Muqdisho:-Dagaal culus oo saaka ka qaraxay waqooyiga magaalada Muqdisho ka dib markii ay weerar qorsheysan ay ciidanka Al-shabaab ku qaadeen degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo qeybo ka mid ah Yaaqshiid oo ay ku sugan yihiin ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana magaalada Muqdisho laga maqlayaa Madaafiicda iyo BMka ay ridayaan ciidamada AMISOM kuwaas oo ku dhacaya goobo ka baxsan halka uu dagaalka ka socdo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DFKM oo lagu magacaabo Col Aden Xasan ayaa sheegay in ay jebiyeen ciidamada Al-Shabaab askarna ay ka dileen .

Dhanka kale Afhayeenka ciidamada Ururka Al-Shabaab C/casiis abu Muscab ayaa sheegay in ay jab weyn u geysteen ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana uu sheegay in ay dileen 13-askari oo ay ku jiraan afar ka mid ah ciidamada AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online