Diyaaradaha Kenya oo mar kale duqeeyey Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose

December 26, 2011 - Written by

Kismaayo:-Waxaa saaka mar kale ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen Jaziirada Kudhaa ee ku taal Koonfurta Gobolka Jubada Hoos waa markii labaad oo ay diyaardaha dalka Kenya ay duqeyn waxshnimo ah ay ka geystaan Jaziira kudhaa , dadka deganka Jaziirada kudhaa ayaa u sheegay saxaafada in xaaladoodu ay tahay mid cakiran iyadoo dadkii ku noolaa oo u badnaa qoy sas ay bilaabeen in ay ka barakacaan.

Diyaadaha dalka Kenya ayaa dhowr Gantaal ku dhuftay Jaziirada kudhaa saaka Ilaa haddana si rasmi ah looma oga khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah ee ku noolaa Jaziira Kudhaa, Ciidanka dalka Kenya ayaa ilaa usbuucii la soo dhaafay waxaa ay duqeyn kale duwan ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose iyagoo laayey dad shacab ah.

Saraakiisha ciidanka dalka Kenya ayaa in badan waxaa ay sheegeen duqeyn ay geysteen diyaaradahood dagaalka in ay khasaaro u geys teen fariisamo ay ku suganaayeen ciidanka Al-shabaab walow aysan ilaa hadda saxaafada wax rasmni ah tusin marka laga reebo warsaxaafadeedyo ka soo baxaya Taliska ciidanka cirka ee dowllada dalka Kenya.

Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Gobolka Jubada Hoose ayaa ku eedeeyey ciidanka cirka ee dalka Kenya in ay diyaarahadooda ay duqeeyaan oo kaliya goobaha dadka shacabka degan yahay dad badan oo shacab ahna ay dileen balse aysan wax duqeyn ah u geysan diyaaraddhooda fariisamaha ay ku leeyihiin ciidanka Al-shabaab Gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online