Diyaarado Duqeeyay maanta mar kale Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

December 10, 2011 - Written by

Baardheere:-Diyaarado dagaal ayaa maanta mar kale  duqeyn ka geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana diyaaradahaas lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa dalka Kenya   Duqeynta ayaa waxaa ay geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay duqeynt ilaa haatan hal qof .

Wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Faysal Maxamed Cabdi ayaa ku dhintay duqeynta waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale oo ay midood tahay haween .Diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxay maanta duqeeyeen xeryo lagu quudiyo barakacayaasha oo ay gacanta ku heyso  hay’adda bisha cas.

Duqeynta maanta ayaa waxaa lala beegsaday  Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Markabley oo kuyaal gudaha Degmada Baardheere.sida ay goobjoogyaal ay u sheegeen warbaahinta ka howlgasha gudaha Baardheere .

Ciidamada Cirka ee dalka kenya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay waxay sidoo kale duqeyn ka geysteen Degmada Baardheere gaar ahaan xarunta ADC-da ee degmada Baardheere, waxaana duqeyntaas ku dhintay hal qof.

Dowlada Kenya iyo ciidamadeeda ayaa ku fashilantay dagaalka ka socda gobalka J/hoose waxaana ay fashilkeeda ku qarinaysaa duqeyn ay u geysaneyso shacab rayid ah oo ku jira xerooyin lagu quudinayo kuwaas oo ku yaal gobalada ay ka taliyaan Al-Shabaab .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online