Gabdhaha reer Leicester UK oo tacsi ka diray dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji

December 7, 2011 - Written by

Leicester :-Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Umada Soomaaliyeed gaar ahaan xaasaskii,caruurtii iyo qaraabadii uu ka tegay Shiikheenii qaali ahaa Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdirixmaan,waxaanu sheikh Alle uga baryeynaa in uu makaanada ugu sareeye janada Allaah ku casumo, dhamaan Umada uu ka siiyo sabar iyo iimaan, waxaan oran karnaa wax uu ahaa Shiikheeni, caalimkeeni macalin keeni iyo weliba halkii naftu nooga jirtay Waxaa xaqiiq ah dilka sheikh in uu hordhac u yahay dulaan in dhoweeyd ba ku socday Culimada iyo cid walba oo waxgarad ah Umadaana u adeegta, waxaan kale oo  oran karnaa waa baaba halkii ugu danbaysay ee Umadu istaagto marka Culimada la laayo.

Waxaan  Allaah ka baryaynaa cid walba oo falkaas ama fulisay ama ka danbeysay in ay ku dhacdo naclada Alle marka hore, Aduun iyo Akhirona ay ku noladaan nolol ciriir ah, Waxaanu Umada Soomaaliyeed u sheegin oo aanu ka midka nahay in aan difaacno diinteena iyo culimadeena waqtiga faraha badan ku bixisay saan u noqon lahayn Umada Alle raali ka noqdo marka ay hortagaan.

Waxaan ugu danbeyntii tacsi gaar ah u direynaa Culimadeena anagoo uga mahad celinayna sida ay noogu caqli cesheen noo sabarsiyyeen diyaarna ay u yihiin in ay umadooda garab istagaan xaalda walba oo lagu jiro anaga oo dareemi karna halka dareen koodu gaaray. waxaan ugu danbeyntii isu dardaarmin cabsida Allaah,waxaanu Allaah ka baryin in ay masiibadaan ay noqoto mid laga faa’iido iyo fatuxaad.

Umu Ramla
Leicester
UK

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online