Gacan ka hadal ka dhashay kulankii saaka ee Golaha Baarlamaanka DFKM

December 14, 2011 - Written by

 Muqdisho:Waxaa saaka kulan ka dhacay xarunta golaha shacabka  ee DFKM oo ay isku yimaa deen xilibaano ka tirsan golaha baarlamaanka ka dhacay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray xilibaano ka soo horjeeda guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyo ku wa kale oo isaga taageersan.

Xarunta golaha shacabka ayaa saaka waxaa kulan uga socday xilibaano shalay xilka ka qaaday  guddoomiyaha baarlamaanka waxaa iagoo kulanku u socdo yimid xilibaanadii taageersanaa guddoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xassan taas oo sabab tay dood markii danbe isku badeshay gacan ka hadal.

 Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka ahna ku simaha guddoomiyaha, C/weli Shiikh Ibraahim Muuddeey oo ay la socdaan xilibaano ka soo horjeeda shirkii shalay xilka looga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka shariif Xassan ayaa isku dayey in uu furo dood ama wada hadal dhexmara xilibaanada balse arrinkaas ayaa waxaa ka horyimid xilibaano  ka soo horjeeda guddoomiyaha baarlamaanka iyo gudoonkiisa.

Wararka soo baxaya  ayaa sheegay in xilibaano dhowr ah uu dhaawac fudud soo gaaray ka dib markii ay dhexdooda ka dagaala meen,xilibaanadaa dhaawacu soo gaaray ayaa waxaa la garsiiyey rugaha caafimaadka walow aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah loo shaacin.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Allow dawlad wangsan noo dhali oo dadka quluubtooda isku soojeedi oo heshiis somalimo kadhex abuur xaaladu waa cakirantahay madaama ay dadkii dowlada ugu sareyay ay iyagu gacanqaad isku quureen ma dad iyo wadan ay dhisin waa habeenkii xalay ahaa oo tagay allow noo gargaar Allow noo hiili shacabka somaliyed mesha kudhibaataysan Allow dulmiga naga dulqaad anaga gacnteena ku gaynayaa noona cafi oo hanoo qaban,,,,,,,,,,,

Leave a comment

*