Mutamarkii Sanadeedkii Labaad ee dalka Koonfur Afrika oo ka dhacay Johannesburg.(Dhagayso)

December 28, 2011 - Written by

Arbaco, December 28, 2011 Waxaa maalmahan ka socday wadanka Koonfur Afrika shir sanadeedkii labaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika  2011 shirkaan oo ah mid ay soo qaban qaabiyeen golaha dacwada ee Albayaan, wuxuu shirkan ka  bilowday magaalada ganacsiga ee Johannesburg taariikhdu markay ahayd 25/12/ 2011 wuxuuna soo gaba-gaboobay xalay oo ay taariikhdu ahayd 27/12/2011.

shirkan oo laga soo jeediyay muxaadarooyin  kala duwan, waxaa ka qayb galay culumadii timid shirka sanadkan oo kala ahaa:-

  1. Sheekh Axmed Daahir Awaeys oo ka yimid wadanka Ingiriiska magalada London
  2. Sheekh Cali Maxamed Xasan”Cali Wajiis” oo ka yimid wadanka Sacuudiga magaaladiisa Jiddah
  3. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka yimid wadanka Kenya magaalada Nairobi
  4. Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo ka yimid wadanka Norwey magaalada Oslo
  5. Sheekh MAxamuud Sheekh Maxamed Shible oo ka yimid wadanka Kenya gaar ahaan maagaalada Nairobi.

Shirkan waxaa kale oo lagu marti qaaday balse aysan u suurtoobin inuu ka soo qayb galo Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay dishay gacan daalimad ah oo xadgudubtay, ka dib markuu salaaddii subax ku soo gutay masaajidka kana soo baxay ayay masaajidka hortiisa ku toogteen si bashacnimo ah naxariis darana ay ku jirtay, waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ooga  tacsiyay naysaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, ducaadda khayrka wada, maamulka Jaamacdda Bariga Afrika, ardadiisii iyo waliba gaar ahaan eheladiisii iyo qaraabadiisii meel kasta oo ay joogaanba in Ilaaheey uu sabar ka siiyo, isagana geeyo janadiisa fardawsa ah, allahuma aamiin.

Bulshada Soomaaliyeed ee koonfur Afrika waxay u aragtaa arimaha noocaas oo kale ee ah in la dabargooyo dadka doorka wayn ku leh umadda gudaheeda, waxtarka muuqdana ku soo kordhiyay bulshadooda kuwo aan u adeegaynin diinta Islaamka, caqliga saxiixa ah, iyo xiska joogaba, taasina waxayba qof kasta maskaxdiisa ku soo dedejinaysaa in ay jiri karaan ajandooyin khaas ah dad fulinaya oo meel kasta ku jiri kara.

Shirka magaciisa wuxuu ahaa ‘Diintu  Waa Naseexo’, kaasoo mawaadiicda lagu soo bandhigay ay ahaayeen kuwo culumadu aad u lafa gurtay, bulshadii isugu timidna ay aad iyo aad uga faa’idaysteen isla markaana ka mahad celiniyeen.

Shirkan oo run ahaantii aan fawaa’idiisa la soo koobi karin, waxaa culumada aad loo waydiiyay, arimaha Soomaaliya oo dhinacyo kala duwan looga keenayay, ayaa waxaa ay u qaadaa dhigayeen si cad oo daliishuna saaran tahay, hufnaan badanina ay ku dheehan tahay; Ilaaheey miisaankooda xasanaadka ha ugu daro inshaa allaah.

Waxyaabaha uu la gaar ahaa sanadkan shirku waa in markii ugu horeysay la soo saaray buug ka hadlaya wax qabadka Majliska Albayaan laga soo bilaabo 2006dii ilaa 2011da , ayadoo uu sheekh Ibraahim Xersi Galow uu sharax dhamaystiran ka bixiyay shaqada golaha.

Shirka waxaa la soo gabagabeeyay qaybtiisii magaalada Johanessburg,  wuxuu galabta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2011, ka furmi doonaa magaalada Cape Town, xaafaddiisa Bellville, isagoo socon doona Ilaa iyo 31/12/2011; waxaan Ilaaheey ka rajaynaynaa in uu si wanaagsan oo hufan noogu dhameeyo, aamiin.

 Hoos ka Dhagayso Muxaaradadii Alwalaal walbaraa ee Shiikh Shible ka jeediyey Mutamarkii South Afrika.

Muxaadaradii Koowaad ee Al-walaal walbaraa

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/alwalaa1.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaradii Labaad ee Al-walaal walbaraa

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/alwala2.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaradii Saddexaad ee Al-walaa walbaraa
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/alwala3.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaraadkii uu Shiikh Maxamed Umal ka jeediyey Mutamarkii South Afrika

Muxaadarda Koowaad Tilmaamaha qaybta 1aad Tilmaamaha gabdhihii wanaagsanaa

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/gabdhaha.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaradii Labaad  Naseexo Guud

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/Naseexo1.mp3]
Ama Halkan

Muxaadaraadkii uu Shiikh Mustafe Xaaji Ismaiil ka jeediyey Mutamarkii South Afrika

Muxaadaradii Koowaad Tarbiyada Caruurta

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/Tarbiyada caruurta iyo Qurbaha.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaradii Labaad Khatarta Mukhaadaraadka

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/mandoriye.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaraadkii uu Shiikh axmed Daahir Aweys ka jeediyey Mutamarkii South Afrika

Muxaadarad koowaad Tazkiyada Nafta

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/tazkiya.mp3]

Ama Halkan

Muxaadarad Labaad Xijaabka iyo Xishoodka

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/xijaabka.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaraadkii uu Shiikh Cali Maxamuud Xassanka jeediyey Mutamarkii South Afrika

Muxaadaradii Koowaad Qiimaha Waqtiga iyo sida looga faa.iidaysan karo 

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/Muhimada.mp3]

Ama Halkan

Muxaadaradii Labaad Astaamaha nuqsaanta Iimaanka

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/astaamahanuqsaanta imaanka2.mp3]

Ama Halkan

Axmed Dheere

Johannesburg

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Ascwrwb

    Ilaah haka ajarsiiyo Culumadeena. Walaalayaal Taleefanka sheekh Umal Nairobi cidii heysa iso qoro aad baan ugu baahanahay.

    Wabilaahi Towfiiq

  2. a/s/c walalayaal wad ku mahadsantihiin soo galinta muxaadaraadka anagana wan ka faaiidaysanay marka waxan idin leeyahay muxadiraadka noo soo namays tira qaarbaan xataa shaqaynayn

  3. Ac walaal waad mahadsantihiin soo gubinta maxaadaraadka iyo dacwada aad wadaa. Waxaan idin xasuusin lahaa Sh Shible Maxaadaradiisa sadexaad ma dhamaystiraha ee fadlan fiiriya
    JZK

  4. Dhamaan maxaadirooyinka waa noo samaheysaa in aan dhageysoo lakiin hadii uu aheyn mp3 ma dhageysan karno hadii aanahay dadka isticmaalo mobila

  5. Waxaan ka codsanayaa in aad sidaan oo kale u soo galisaan mp3 ahaan sidaan uga faa iideysano

  6. Ascwb: waxaan marka hore Salaan ku dheehan cadadka Quraanka Kariimka ku heehan u gudbinayaa bahda daadihinaysa barnaamijka iyo Culumada ka soo qeyb galaysa Nadwada mooduuceedu tahey ( Diintu Waa Nasteexo )iyo dhamaan bulshada waqtigeeda qaaliga siinayo waxaan lee yahey Jazaakum Allah Kheyr haddeynu nahey soomaali Nafteyda iyo Naf waliba waxaan nagu haboon inaan la nimaadno tanaasul kii wax dulmey hadaad lee dahey laguma oga ee Allaa wax waliba og inta waqtiga heysano aan la nimaadno Cafis iyo kan la dulmeyna asagana inuu aqbalo cafiska lala yimid hadduu jeclaystana inuu waxii lagu suubiyey falo koley sharcigu ma diidana waxaase ka fadli badan inuu cafiska aqbalo iyoon qasab iyo awood midba jirin waxaan oran lahaa Culimada meesha imaaneysa Maashaa Allah waa wada macquul allah idiin saa iideeyo Cilmigiina bal Umaddiina ha ka daalina ee siddii dulqaadkiinu ahaa ku wada waqtiga Nasriga Alle wuu soo dhawaadey waxaana Alle ka baryeynaa inuu iswaafajiyo qoolkeena iyo faciladeena bi Idni allah waxaan kale Alle ka baryeynaa Soomaali oo midowda oo sharafteeda soo laabato oo aan ka hoos baxno gacan Kufaar Annaga ayaa is badney koley waa canaan Rabi nagu dhacdey fadlan Culimada kor ku xusan Alle idinkii meesha arintu jirto idiin waafajiyo aad ka run sheegtaan walow haddeynu nahey soomaali aynu jecleen xaqiiqda Allow talada Soomaali noo hagaaji qaluubtana isku soo hagaaji Yaa Rabi Inshaa Allah

Leave a comment

*