Hishiis lag gaaray khilaafkii ha kiyey shirka wadatashiga ee ka socday Garoowe(Sawiro)

December 24, 2011 - Written by

Garoowe:Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland ayaa sheegaya in khilaafkii u dhexeeyey masuuliyiinta kale duwan ee shirka wadatashigu ugua socday Garoowe la soo afmeeray iyadoo dhawaana ay soo saari doonaa warsaxaafadeed ku aadan gabagabada shirka, khilaafka ugu weyn ayaa waxzaa uu ka dhashay ka dib markii lagu mur may qaabka loo soo xulayo baarlamaanka DFKM 2012.

Madaxda DFKM ,Gal-mudug , Ahlusunaha  iyo dowllada Puntlland ayaa isku raacay in xubnaha baarlamaanka laga dhigo 225 iyadoo dowlada ugu horaysa lagu soo xulayo 4.5 dowlladaas oo jiri doonto mudo 4 sanno ah iyadoo marka xilkaas uu dhamaado lagu soo xuli doono qaabka Goollaysiga ah arrinkaas oo lagu qanciyey madaxda Puntlland markii danbe.

Ilaa shalay ayaa la isku mari waayey qaabka loo soo xulayo xubnaha cusub ee baarlamanka DFKM ka mid noqonaya sanadka soo socda 2012 balse shirar gooni gooni ah oo xalay ilaa saaka ka socday magaalada Garoowe ayaa la isku soo dhawaaday iyadoo lagaaray xal meel dhexaad ah oo ah in xubnaha baarlamaanka DFKM lagu soo xulo 4.5 maadaam dalka uusan ka jirin nabadgelo la isku halayn karo ka dibna loo gudbo nidaamka gobollaysiga, Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Gaas ayaa la sheegayaa in dowllada Puntland uu ku qanciyey in ay aqblaan in xubnaha baarlamaanka cusub lagu soo xulu 4.5 wajiga koowaad.

no images were found

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socoda xafalado iyo qabanqaabo weyn oo la doonayo in lagu so xiro shirkii wadatashiga wajigiisii 2aad oo 3.dii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Garowe

Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Nuqul ka mid ah heshiiskii ay wada gaareen TFG ,Galmudug Ahlu Suna iyo Puntland oo ku qoran afka Engiriiska Hoos ka Akhriso.
heshiis

M_M_Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. allaah khilaafak haka saaro madaxda somalida

  2. Scw waxan ka codsanayaa inay isu samraan oo fiiriyaan danta uma somaliyeed balse aysan fiirin danta qabiilka uu ka soo jeedo iftiinka soo kaahaya uga faa iideeya shacabkiina ilaahayna ka baqa oo wax ka dhaxla musiimada ku habsatay shacabkii somaliyeed

  3. Su’aashu waxay ka taagan tahay yaa soo xulaya? ma maamulada mise beelaha?

  4. Waa guul weyn ee u soo hoyatay Somali ee ha la adkeeyo,mida kale wax kasta oo lagu heshiiyo waa wax laga beheld karo illen quraan iyo axaadiis ma ahee kuwaan heshiiyo saxiixaaya ma ballad bay xagga eebbe ka haystaan in noolaandoonaan 4ta sanno ee soo socota Waa la duugoobee yaan la dacaroon Somalia intangible fiican baad hari doonaan ee ha la adkaysto..dabadhilif iyo jaajuus wax yar baa u haray insha allaah

Leave a comment

*