Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab oo looga hadlay dilkii Sh.Dr Axmed Xaaji.(Dhagayso)

December 9, 2011 - Written by

Qardho:-Waxaan akhristayaasha sharafta leh ee Halgan .net aan maanta u soo gudbinaynaa Khudbo jimcihii maanta ee masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, Khudbada maanta ayaa waxaa akhriyey Shiikh.Cali Maxamed Cali oo ka mid ah culimada magaalada, Sh.Cali Maxamed Cali ayaa waxaa uu kaga hadlay xurmada culimada iyo khatarta ay leedahay in dhiigooda la banaysyto, Shiikh Maxamed Cali ayaa waxaa uu khubadiisa diirada ku saaray ahmiyada ay culimada diinat xabaarsan ay u leyihiin mujtamaca Islaamka iyo marka ay dhintaan in alle camal koodii wanaagsanaa uu u noqon doono Sadaqo Jaariya ah , Shiikh Cali Maxamed Cali ayaa xusay in kuwa culimada la’ ah ay yihiin kuwa cadow ku ah cilmiga ay xanbaarsan yihiin.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee masjidka Cumar Ibnu Khadhaab iyo tacliiqii

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/khudbadiijimcahaeemasjidcumar.mp3]

Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC. Alxamdulillah way iska cadahay dulmiga, fidmada, dhiiga islaamka ee la xalaaleystay ee Alshabaab alkhawaarij ay wadaan. InshaAllah mardhow dhibka, xasuuqa, iyo dilka Alshabaab waa laga raaxeysan. Laakiin anigu runtii waxaan jeclaa in culumadu ay sifiican u cadayso sharka alshabaab alkhawaarij dadkana loosheego inay iska celiyaan. Waxaan isleeyahay nimankan khawaarijta ah culumo sifiican khaladkooda u sheegtay wali majirto. Waa in loosheego in wadanka soomaaliya uu san jihaad ka jirin.waa in loo cadeeyo in gaalo lasoo kaxaysankaro hadey dantu kalifto, waa in loo cadeeyo in gaalo lala mucaamili karo, intaasoo dhana qofka muslimka ah iyo dowlada muslimka ahi aan lagu gaaleysiin Karin. Alshabaab intuba way sameeyaan Laakiin waa munaafiqiinoo ma sheegaan.

    Walaalayaal websitekan maqaaladiisa? Hoos ka dhageyso ayey dhahaan Meel la taabtana marko. Fadlan ii soo sheega. ASC

  2. Asalamu Calaykum

    Walaalha reer Qardho si gaar ah ayaanu idiinku tacsiyeyn maxaa yeelay Sheikh waad nooga manaafacaad badnaydeen madaaba u magaalada idinla deganaa waxaana dareemin meesha na xanuunaysa in ay idinka labo jibaar idin xanuuni ale sabar ha nagu wada risaaqo, waxaana idiinka mahad celin sida aad mar kasta ugu taagan tihiin dacwada iyo u garaarka diinta ale waxaan filayaa in aad nawada marti gelin dontaan madaaba aad degan tihiin magaalo jawi macaan dacwaduna ay xawli uga socto waxaanu idin leenahay boosas noo baneeye waxaa ka muuqata in magaaladiina ay u diyaar garoobayso in ay noqoto saldhig isllaam,waxaana magaalooyinka kale ku boorin lahaa in ay idinku daydaan oo xojiyaan dacwada ay wadaan waloow aan dareemaayo in walaalha aan dadaal ku yareeyn, dhamaan inta u adeegays diintaan ale allaah ha xifdiyo oo culimadu u horeyso hana soo hanuunsho cidii hanuun uu la maago ale.

  3. Asc walal ilaah subxaanu waxii aad sameyn uu ilaah raali kayahay ajar ha idinka siiyo waxii xumana ilaah hadin dhafo in taa kadin waxaan ka codsaneynaa hadii aa nahay aqyaarta isticmash mobelka in aan dhageysan karin maxadiriyoonka wayo dhageysa nooma samaxa dadka wato mobelka marka wax kabadalo qaabkaan waad mahad. Santihiin

  4. sc walaala yaal ma garsiin kartaan in qudbada labad laga dhigo afsoomaali ilayn dadku car

    • inaalilaahi wa inaa ilahay raajicuun alaha unaxariisto shaykhunal faadil raxima hulaah ilaahay kahayar hasiiyo alakh alshekh cali maxamed cali ilahay misaanka xasaandka ha usaaro muxadarada qayimka ah ee uu soo jediyay walahay jaljalat quluubunaa walahay ilahay dartis bana ujeclayn sheekhaas waan u oaynay ialahy ha unaxariisto raxmatan waasicaa marlabaad iyo mar sexaad alaah khayar badan haku siiyo akhuuna shaykh cali maxamed cali

  5. asalaamu caleykum walaal waxaan idin ku salaamayaasalaan ta islaam kadib walaalayaal aad baan idin ku mahadinataa qudbadaad noo soo deyseen waxaan odhan lahaa hanaga joojinina waxaan ku nool nahey wadan gaalo wax badan mahelno oo war bixin ah dhina ca diin da sii ba waxaan idin lee yahey jasaa ku mu laa kheyr walaal layaan asalaamu caley kum

Leave a comment

*