Khudbadii Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka jeedshay shirkii wadatashiga ee Garoowe(Maqal iyo Muuqaal)
December 27, 2011 - Written by
Garoowe:Ka dib markii codsi tiro badan uu nooga yimid ducaad iyo culumo iyo weliba akhristayaasha Halgan net taas oo ku saabsan khudbadii uu ka jeedshay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax shirkii wadata shiga ee magaalada Garoowe lagu qabtay oo ay mareegaha lagu qoro intermetka qaarkood ay been abuur badan ka sheegeen khudbadii Sh C/qaadir Nuur faarax iyaga oo sheegtay in Sheekhu uu u mahad noqay UgandaBurundi, Itoobiya, Mahiga Iyo Beesha caalamka taas oo ah been abuur weyn.
Run ahaantii Halgan.net ma rabin inay u jawaabto Mareego diin ka dhigtay been abuur iyo cayda culumada balse umada Islaamka ee Soomaaliyeed ayaa indhahooda ku arki doona saacadaha soo socda khudbadii Sh C/qaadir Nuur Faarx oo ah Maqal iyo Muuqal ah iyaga baan xukumi doona cida beenaalayaasha ah oo alle ka fogaatay.
Halgan.net ayaa soo tabin doonta khudbadii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo u badan naseexo iyo in lagu dadaalo midnimo,ku dhaqan ka shareecada Islaamka , in umada loo ilaaliyo diintooda iyo danta guud ee umada Soomaaliyeed iyo in umada Soomaaliyeed alle u soo laabtaan xalkuna uu ku jiro shareecada Islaamka.
Hoos Ka dhageyso Khudbadii Sheekh C/qaadir oo cod ah walaalaha beenta faafiyey alle u toobad keena allena u laabta maanta waa aduun biritona waa aakhiro.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/khudbad.mp3] Ama Halkan
Hoos ka Daawo Video kalimadii wacdiga ahaa ee Shiikh Cabdulqaadir Nuur ka jeediyey shirkii ka dhacay Garoowe
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

