Kulan diineed ay culimadu uga hadleen dabkii ka dhacay Suuqa Boosaaso oo ka dhacay Masjidka Al-Rowda.(Dhagayso)

December 4, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa caawa Salaadii Makhrib ka dib Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka dhacay kulan wacyi gelin loogu sameeyey dadkii Soomaaliyeed ee hantidooda ku baa ba’day dabkii ka kacay Suuqii weynaa ee Boosaaso, kulanka caawa ayaa bilow day markii salaada Makhrib la tukday ka dib.

Kulanka caawa ayaa waxaa goob joog ka ahaa culimo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Shiikh.Dr. Axmed Xaaji Cabdi raxmaan Shiikh Cabdirisaaq Xuseen Xassan, Shiikh Daahir Aw-cabdi, Shiikh Xassan Xuseen, culimada ayaa waxaa ay wacyi galiyeen dadkii ganacsatada ahaa ee dhibku uu gaaray in alle u sabnaa  iyagoo ugu duceeyey.

Hoos ka Dhagayso kalimaadkii culimada ay ka jeediyeen Masjidka weyn ee Al-Rowda ee magaalada Boosaaso

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Nadwo1.mp3]

no images were found

Dhinac culimada ayaa waxaa Microfanka lagu soo dhaweeyey Fadiilatu Sh. Daahir Aw-cabdi isagoo shiikhu uu ugu nasee xeeyey ganacsatadii iyo dadweynihii kub sugnaa masjidka in ay sabraan sababta wax alle dhinaciisa ka yimid waa in lagu sabraa , Shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa xusay in waxyaabaha la isku imtixaano in ay ka mid tahay amniga oo luma , caajo iyo abaar la isku salado , iyo xoolaha alle uu ku siiyey oo kaa lumaan.

Shiikh.Daahir Aw-cabdi ayaa aayaad quraan ah iyo Axaadiis fara badan ka akhriyey kulanka isagoo aad uu shiikhu ugu dheeraaday in aan laga murugoon wax alle dhankiisa ka yimid loona baahan yahay  in la sabro ,Shiikh.Daahir Aw-cabdi ayaa ugu baaqay ganacsada iyo dadweynaha in alle baryaan isagaa wax bixiyee  ayna alle u toobad keenaa kana fogaadaab macaasida oo ay ugu weyn tahay dilka , Shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa ugu baaqay kuwa ganacsigooda ka raadinaya xaaraanta gaar ahaan burcad badeedka in ay alle u toobad keenaa.

Shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa ugu baaqay shacabka reer Boosaaso iyo qabaa.ilka in ay ka fogaadaan dilka iyo dagaalo beeleedka kaas oo  ah macaasi  weyn oo khatar ah , Shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa sheegay in amniga uu ku wanaagsanaan karo in alle loo laabto iyo cabsida alle.

A/Cawaale
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ASC. Waa Ilaah mahadiis. Ilaahay wax kafiican ka ugu badalo intay musiibadan asiibtay samir iyo iimaana hakasiiyo. Amiin. Wadaadadu kaalintood way kasoo baxeen balse, dowlada, iyo shacabka muslimiinta ah ayaa loo bahan yahay walaalahood inay ugu hagar baxaan Ilaahay dartiis. Taas abaal marinteed Ilaah xagiis baad ka helaysaa. Mida kale, Intaas wadaadadu dadka waxbay usheegan lakiin waxaa loo baahan yahay in laga miro dhaliyo. Hadii ay noqoto, Dilka, Boobka, Kufsiga, Sinada,Khamaarka, Laaluushka, dulmiga, Qabyaalada iyo wixii lamid ah WSC. C/naasir Muuse December 4,2011

Leave a comment

*