Maamulka iyo Culumada Masjid Rawdah Mpls, MN oo tacsi u diraya eheladii Dr Ahmed Xaji

December 7, 2011 - Written by

Minisota:-Waxaa Sadma iyo jaahwareer nagu riday warka naxdinta leh ee ah in caalimkii ummadda Soomaliyeed Sheikh Dr.Ahmed Haji Abdirahman si xaqdarro ah loo dilay. Runtii taasi waa musiibo ku dhacday umadda Soomaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta, markii dadka caalimka iyo qofka wax garanaya laga dilo waa dambi umadda oo dhan laga galay dadkiina indhaha laga riday.

Tani waxay ina xasuusineysa qarniyadii saddexaad, afraad iyo shanaad ee hijriga markii ay soo baxeen firqooyinka Ismaaciiliyada iyo laamaheeda sida qaraamidada, Xashaashiinta, nuseyriyada iyo dhamaan baadiniyada ee mulxidiinta ah oo ay dadka muslimiinta ah ka layin jireen culimada iyo mas’uuliyiinta muhiimka ah ee umadda indhaha u ah.

Dhamaan walaalaha Masjidu Rawdah sheikh, shacab iyo maamulba waxay taczi u dirayaan umadda Soomaliyeed, culimada diinta gaar ahaanna qaraabadii, caruurtii iyo eheladii Sheikh Dr Ahmed Haji Abdirahman meel kasta oo ay joogaan, runtii lagama dilin kaliya qoyskiisa ee waxaa laga diley dhamaan muslimiinta, Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Waxaan leenahay Allah Subxaanah ruuxdaas daahirka ah jannatul firdows ha galiyo naxariistiisana ha ku daboolo, dhagar qabayaashii dileyna Alle caddaaladda ha horkeeno Allahuma Amiin.

Masjid Rawdah Mpls, MN
Tel: 651-222-9996

Alle Subxanah ha u naxariisto
Sheikh Ahmed Haji Abdirahman

 إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online