Maxaa nagala gudboon dilka Shiikh Dr. Axmed Xaaji ? W/Q: Sh. C/lahi Abu fadli

December 10, 2011 - Written by

Waxaan marka hore halkan uga tacsidaynayaa dhamaan umada soomaaliyeed gerida naxdinta leh ee dr axmed xaaji c/raxman,illaahay ha u naxareestee,sigaar ahna waxaan ugu tacsidaynayaa qoyskii iyo eheladii uu
sheekhu katagay,sidoo kale  culumada iyo ardaydii sheekha .

Intaa kadib, laashaka geerida sh axmed inay tahay musiibo ku habsatay umada somaliyeed,laakiin waa suno rabaaniya dhimashada culimada si kastaba ha u dhinteene, waxayna calaamad utahay saacada inay soo dhawaatay.

Waxuu timaamay rasulka SWC,{{in cilmiga sharciga ah arlada aanan halmar laga wada qaadaynin,laakiin dhimashada culimada ay badanayso,saasna lagu waayayo cilmiga,ayna isu soo harayaan dad juhaal ah,dadkana jahli ugu fadwooda,dadkuna ay jahligaas ku raacaan,saasna ay ku halaagsamaan}}.Walalayaal
Sh/Dr axmed wuutagay waxaana rajaynaynaa inuu karaaxaystay fitanta aduunkan cidkastoo ooga raaxaysayba.laakiin waxaa iswaydiin leh maxaa nagala gudboon dilka sheekha????Waxaan isleeyahay arimahan waa muhiim nagala gudboon dilka sheekha kagadaal.waxaana rajaynayaa inaan si dhab ah ugu eegno qalbi furan.

1-Waxaa nala gudboon Inaan Ku samarno dilka sheekha illahna u waydiino danbi dhaaf,janadiisana uu gasho.

2-Waxaa nala gudboon inaan dadaal ku bixinaa sidii lagu heli lahaa cidii dilkaas kadanbaysay,jawaabtoodana
lasiiyo cidkstooy yihiin,kuwo diin sheeganayo,kuwo qabiil ah,kuwo diin ladagaalayaal ah,IWM.

3-Waxaa nala gudboon inaanan dayicin caruurtii iyo dadkii u katagay sheekha oo isagu gacanta ku hayay.

4-Waxaa nala gudboon inaan  katashanaa sidaan kayeeli lahayn  kuwa katashanaayo dilka culimada,kuway
doonaanba ha noqdeene,maxaa yeelay waxaa doqonimo ah,nin dhiigaaga banaystay inaad dhabarkaaga ujeediso.

5-Waxaa nala gudboon Inaan siixoojino cadaynta manhajka toosan,oo ah midkuu udhintay Dr Axmed Xaaji.

6-Waxaa nala gudboon Inaan Cadaynaa Qaladaadka diinta laga galaayo,diina loo ekaysiinaayo.

7-Waxaa nala gudboon Inaan kudadaalnaa sidii looga hortagi lahaa dilalka qorshaysan ee culimada lala beegsanaayo laguna duminaayo diinta iyo dacwada saxiixa ah.

8-Waxaa nala gudboon In dhamaan caalamka meelkastoy joogaan soomaalida lagu qabtaa mu’tamaraad looga hadlaayo dhibaatadan soo wajahday soomaalida oo ugubka ah,dilka culimada lafadwoonayo dhibaatada ay horseedayso iyo ciribta xun ee laga dhaxlaayo arinkan.

Ugu danbayntii waxaan illaah uga baryayaa inuu sheikh axmed danbigiisa dhaafo,janatu fardowso gasho

Sidoo kale Illaah Waxaan uga baryayaa kuwii dilay sh axmed inuu aduunka ku fadeexeeyo,aaqarana cadaab rabi.

 Walaalkiin C/llaahi Abulfadli………)

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online