Muxaadaro shalay lagu qabtay Masjidka Al Madiina ee magaalada Burco oo looga hadlay dilkii Dr Axmed Xaaji.(Dhagayso)

December 10, 2011 - Written by

Burco:-Waxaa shalay ka dhacay Masjidka weyn ee Jaamica Al-madiina ku yaala magaalada Burco muxaadarooyin iyo towjiihaad ay jeediyeen culimo ay ka mid ahaayeen Shiikh Cali Warsame  iyo Shiikh.C/laahi Baashe iyo culumo kale waxaana looga hadlay Makaanadda culimada iyo xuquuqda ay ummada ku leeyihiin.

Sidoo kale waxaa muxaadaraadkaan lagu qaadaa dhigay taariikh nolololeedkii Allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji asbaabaha loo dilay iyo doorkii lama ilaa waan ka ahaa ee ku lahaa dacwada dalka Soomaaliya iyo geeska afrikaba.

 Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Makaanada Culimada Sh C/llaahi Baasha iyo Sh Cali Warsame

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/makaanatulculamaa.mp3]

Halgan.net
Burco

5 Comments so far

Leave a comment

  1. As/

    Walaalaha halgan aad baan u salaamayaa, tanxigta sheekh axmed alaah ha u naxariisto. Ragga sheekha dilay waa in qisaas la soo taagaa. waxaa cad inuu waaxda iqtiyaalaadka xarakada shabaab ee ibrahin afqaani xukumo ee hoos yomaada ina godane ayaa fuliyey dilka sheekha waana in kuwaas maxkamad la keenaa.

  2. ascw walaalyaal ilahay ha ka abal mariyo culimada somaliyed muxadiradka tan kale na illahay ha u naxaristo marxumki waayo wax layiri qof ad jeceshahay allena wa ka jecelyahay sida darteed kuwa dilana illahay ha soqabto culimadan wax an ku dardaraya midaysnada tafararuqana iska ilasha alle wa ini ka qabanaya kuwa dulmiga wada insha allahu

  3. Asc.sh.axmed illaah jantu alfardowsa ha galiyo.inta noolna samir iyo iimaan haka siiyo.
    FADLAN MANOO SOO URUURIN KARTAAN SH. MUXAADAROOYINKIISI IYO KUTUBTII UU AKHRIYEY SILOOGA FAAIDAYTO ASNA AJAR UGAHELO

  4. Culimada facebook ma ogala ayaan filaa, bal waa in masalada laga doodaa oo loo soo fadwoodaa in facebooka banaan yahay iyo in kale inay bidco tahay ayaan umalaynayaa aniga hadaan ijtihaad samayay.

  5. asc wr wbr walaalyaal aad ayaa umahadsantihiin sida wanaagsan u soo gudbinysaan casharda diinioga dacwada islaamka waxaan jeclaan lahaa inaa facebook ku xirtaan webka wsc wr wbr

Leave a comment

*