Nadwo diini ah oo Caawa si habsami leh uga bilaabatay dalka S/Afrika(Dhageyso)

December 24, 2011 - Written by

South africa:-Waxaa caawa si ramsi ah ugu bilaawday wadanka koonfur Afrika shir dacwadeedkii sanadlaha ahaa  kaas oo dhaca sanad kasta shirkana waa kii labadaa ee 2011 -2012 kaasoo ku aadan 1433h, Nadwadan oo caawa si rasmi ah u bilaabatay ayaa waxaa cinwaan looga dhigay (Diintu Waa Nasteexo) kulanka ka soo qeyb galay culumada kala ah.
1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh Maxamuud Shible
3-Sheekh Mustafe Xaji Ismail
4-Sheekh Cali Maxamuud Xasan.

Nadwadan ayaa waxay culumada socdaal dacwo ku tagi doonaan gobollada wadanka oo dhan, waxaa xusid mudan in shirkaa lagu casumay Allaha u naxariistee Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo gacan ka xaq daran ay ku dishay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyo Sheekh Maxamúud Ciise oo duruufta ay xanibtay.

Jaaliyadda Wadanka Koonfur Afrika ayaa soo camiray Masaajidada ay culumada ka wadaan muxaadarooyinka waxaana maanta muxaadaradii ugu horeysay soo jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuuna ka hadlay diinta in ay tahay naseexo.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarii Koowaad Diintu waa Naseexo Sh Maxamed Cabdi Umal
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Naseexo1.mp3]

Ama Halkan

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarooyinka Nadwada ka bilaabatay maanta South Afrika ..

Halgan.net
South Afrika

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Maansha Allaahu,Illaahay ha xafido culimadeena,ajar iyo xasanaadna ha ka siiyo cilmiga ay u gudbinayaan ummaddeena,Allena ha nagu xafido diinteena qaaliga ah,Alle hanaga dhigo kuwo xaqa rumeeya Aamiin.

  2. mashaalah Alle janatul firdoos akuguabalmariyo iyo culimada oo dhaan wajazakumullah kheeran

  3. ASALAAMACALAYKUM WALAALAHA MULMIINTA AH
    ILAAHAY CULIMADA KHAYR HA SIIYO CIMRIGOODA IYO CILMIGOODA IYO CAMALKOODA ALLAH AH DHEEREYO

  4. masha allah aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin halgan waayo muxaarado walbo ayaad noo soo gudbisaan ajir allah idinka siiyo culumadana allah noo xafdiyo

  5. ma shaa alaah ilaah ayaa mahadleh noo soo nabad celiyay culumadena ilaah ha xifdiyo ilaah cilmigoodana ha nugu anfaco

  6. ilaah haka siiyo ajar iyo kheer badan culumada dhamaan kheerka eey wadaan webka halgan.net insha alaah ilaah waxaan uga rajeen kheer badan inuu ugu badalo kheer keey noo soo gudbiyaad mar walba anagane naga dhigo kuwii ku camal fala insha alaah amiin amiin amiin

Leave a comment

*