Qarax miino oo saaka ka dhacay degaanka Qorofo ee koonfurta magaalada Boosaaso

December 25, 2011 - Written by

Boosaaso:-Qarax miino oo saaka ka dhacay degaanka Qorofo oo ilaa 50 Km u jirta dhinaca koonfureed degaanka Karin iyo Yalho , qarax ayaa waxaa ku dhintay Jaamac Nuur Shire Garash oo ahaa madaxa ciidamada miino baarista ee Puntland xili ay wadeen ciidamada Puntland hawlo miino baaris ah ka wadeen degaanka Qorofo ee koonfurta magaalada Boosaaso halkaas oo ay ku dagaalameen hadda ka hor ciidamada Puntland iyo ciidamo daacad u ah Maxamed Saciid Atam.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay hal askari sadex kalana ay ku dhaawacmeen ,Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in ay wadaan howlgalo lagu sugayo amaanka magaalada Boosaaso iyo nawaaxiga ku xeeran amaankuna uu yahay mid sugan.

Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen howl galo ay dad badan ku qabteen iyagoo sheegay in dad qaraxyo iyo dilal ka geystay magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda lagu soo qabtay walow aysan weli saxaafada u soo bandhigin

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online