Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Gaas oo maanta booqday Maxjaro ku yaala Bosaaso iyo Jaamacadda Bariga Afrika(Masawiro)

December 29, 2011 - Written by

Bosaaso, Khamiis, December 29, 2011——Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay muddooyinkii ugu dam beeyeyna booqasho ku marayay qeybo ka tirsan degaanada Puntland ayaa waxaa maanta uu kormeeray Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Bosaaso iyo weliba Maxjaro ku yaala duleedka magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan labadiisa kuxigeen, xildhibaano iyo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa kormeerkoodan ka bilaabay Maxjaro waaweyn oo ku yaala duleedka magaalada Boosaso halkaasoo laga dhoofiyo xoolaha nool kuwaasoo isugu jira Geel, Lo’, iyo Ari iyadoo ganacsigani uu yahay halbowlaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

no images were found

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu aad ugu ammaanay ganacsatada reer Puntland horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha degaanadan balse R.wasaare Cabdiweli waxa uu kula dardaarmay inay horumariyaan bulshada ku nool degaanada oo ay u abuuraan barnaamijyo waxbarasho iyo shaqo si loo helo jawi degan oo uu ganacsigu ku sii socdo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisu waxa ay u sii gudbeen Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadii ugu horeysay ee laga hir geliyo degaanada Puntland isla markaaana ah Jaamacadda ugu ballaaran degaanadan, wuxuuna halkaasi kula kulmay maamulka iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda oo isugu jiray rag iyo dumar.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku ammaanay aas aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika inay ahaayeen hal yeeyo taariikhdu xusi doonto wuxuuna tulmaan u soo qaatay Alle ha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay kooxo aan la garaneyn ku dileen magaalada Bosaaso, wuxuuna ka codsaday maamulka inay u sameeyaan goob lagu xusuusto ama qeyb ka mid ah Jaamacadda inay ugu magac daraan si jiilka dambe ay u xusuustaan.

“Aniga waxbarashadu muhiimad gaar ah ayay ii leedahay mar kastana waxaan ku dadaalaa sidii loo horumarin lahaa wax barashada dalka, waxaana maanta hortiina ka balan qaadayaa in shaqsiyan aniga iyo xaaskeyga Hodan aan bixin doono sanad kasta kharashka 5 arday” ayuu yiri R/wasaaraha oo u balan qaaday sidoo kale maamulka inuu ka taageeri doono wixii xiriirka caalamiga ah si loo fududeeyo wadashaqeynta iyo ictiraafka Jaamacaddaha caalamka iyo Jaamacadda Bariga Afrika.


Garad Salad Hersi Boosaaso
Communication Director,
office of the PM
Halgan,net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online