Raisulwasaaraha DFKM C/wali Maxamed Gaas oo ku sugan Degmada Carmo.

December 27, 2011 - Written by

Carmo:-Wafdi uu hogaaminayo Raisulwasaaraha DFKM C/wali  Gaas iyo madaxweynaha Puntland ayaa goordhow soo gaaray Degmada Carmo ee gobolka Bari iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar waxaana ku soo dhaweeyey Degmada Carmo saraakiil iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Carmo.

Wasiirka Aminiga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Wafdiga madaxweynahaPuntland  iyo Raiisul wasaaraha DFKM Pro Gaaas ay kormeer ku sameyn doonaan xarunta  akadeemiyada Carmo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Boolis ah oo uu u socdo tababar.

Raisulwaaaraha DFKM  C/wali Maxamed Gaas iyo madaxweynaha C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa u sii gudbi doona magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso waxaana laga dareemayaa magaalada Boosaaso diyaargarow xooggan waxaana aad loo adkeeyey amaanka magaalada Boosaaso iyo dhamaan wadooyinka soo gala ama ka baxa.

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa taagan meel walba magaalada Boosaaso iyaga oo sugaya amaanka wafdiga Raisulwasaaraha DFKM C/wali Maxamed Gaas .Ilaa haatan lama shaaci sababta uu raisulwasaare Gaas u tagyo magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online