Ra.iisul wasaaraha DFKM oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

December 30, 2011 - Written by

Muqdisho:-Wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyaga oo ka soo amba baxay magaalada Bosaaso ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo booqasho labo todobaad qaadatay uu ku tegay.

Ka hor inta uusan ka soo dhoofin Ra’iisul Wasaare Gaas magaalada Bosaaso ayaa waxaa garoonka u soo sagootiyay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wasiiro ka tirsan Puntland wuxuuna la hadlay saxaafada gudaha isaga oo u mahadceliyay madaxda Puntland, shacabka iyo ciidamada sida hagar la’aaneed ee ay u soo dhoweeyeen ergooyinkii ka soo qeybgalay shirkii wadatashiga ee Dastuurka Soomaaliya kaasoo ay ka soo baxeen miro wanaagsan oo mustaqbalka dalka ka turjumaya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa ay galabta ka soo degeen garoonka Caalamiga ah ee Aadan-cadde halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil, iyo bulshada Rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saxaafada u sheegay in safarkii mudada qaatay ee uu ku soo maray qeybo ka mid ah degaanada Puntland uu ahaa mid aad u xiiso badan oo natiijo wanaagsana ka soo baxay isaga oo tilmaan u soo qaatay shirkii najaxay ee Garowe isaga oo rajeeyey inay meel mar noqon doonaan dhamaan qodobada ka soo baxay shirka.

no images were found

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dowladdaha Beljim-ka iyo Indonesiya isaga oo uga tacsiyadeeyey dilkii magaalada Muqdisho maalin ka hor loogu geystay samafalayaal u dhashay dowladdahaasi oo u shaqeynayay hay’adda MSF Spain, wuxuuna muujiyay in dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba ay aad uga xunyihiin dhimashada samafalayaashaasi.

Garad Salad Hersi
Communication Director,
Office of the PM

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online