Muxaadaradkii Sh.C/raxmaan Abyad ka jeediyey Masjidka Tawxiid (Dhageyso)

December 23, 2011 - Written by

Denmark:- Sh.C/raxmaan Abyad oo ka mid culumada iyo ducaada ku nool dalka Denmark ayaa ka jeediyey Masjidka al-tawxiid  muxaadaraad musal salka ah oo uu Sh.C/raxmaan Abyad ugu magacdaray  خطورة الفتاوى الحمراء  في استباحة دم الناصحين من العلماء Shiikh C/raxmaan Abyad ayaa Muxaadaraadkiisa uga hadlay khatarta dilka culumada iyo fataawooyinka shaadka ah oo lagu baneysa nayo dhiiga culumada .

Sheekha ayaa caawa oo ahayd habeenkii 3aad soo gabagabeeyey muxaadaraadkii uu ka wada Masjid Al-tawxiid wuxuuna  ku qaadaa dhigay caawa Fatwadii Sheekh Xasan Xusen taas oo uu Sheekh C/raxmaan Abyad qaab cilmiyeysan u radiyey isaga oo sheegay meesha fatwada laga soo qaatay iyo qaabka iyo waaqica la dajiyey in aysan is lahayn.

Dadweyne tiro badan oo caawa soo camiray Masjid Al-tawxiid ayaa si weyn ula dhacay qaabka cilmiyeysan oo ay adabta iyo ixtiraamka ku jirto oo uu Sheekh C/raxmaan Abyad uga jawaabay Fatwada Sheekh Xasaan Xusen isaga oo aan ku xadgudbin walaalkiis taas oo lagu yaqaan culmada alle uu siiyey cilmiga iyo cabsida alle.
Fatwadii Sheekh Xasaan Xusen

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/xasaan1.mp3]

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii uu Sh C/raxmaan ka Jeedshay Masjidka Al-Tawxiid

Muxaadaradii Koowaad Dhageyso download
Muxaadaradii Labaad Dhageyso download
Muxaadaradii sadexaad Dhageyso download

 

 

Halgan.net

18 Comments so far

Leave a comment

  1. sc ilahay haku ilaaliyo sida aad u qeexday axkaamta islamka iyo sida ay u qoto dher tahat erayada aad ka hadashay sida hadaalkaaga ka muuqata waxaad tahay nin aad isu ilaalinaya inuu ku dhaco wax gaf ah waxaan ku leeyahay saad isu ilaalinayso alaha naarta kaaga ilaaliyo iyo shaydaanka jika iyo in sigaba hadaba waxaan leeyahay war wax aan diin ahahayn yaan dadka lagu luminin diinta hoos haloo eego afkaar khariban diin manoqonayso dhiiga islaanku waa xaaraan goormuu xalaal noqday isu barbar dhig aayad qur,aan ah xadiis nabi scc iyo fikrad aan lagaranayn meesha ay ka timid waa intaas waxa is garab yaala .
    sheekh abyad khayr alaha siiyee wuxuu ku celceliyay asaga oo isticmaalaya erayga sheekh dhahayana asagaiyo anagaba alaha na hanuuniyo taas waxa ay ky tusaysaa sida uuu sheekh abyad cadaalada u ilaalinaya waana sida loo baahan yahay waxaan leeyahay ogaada waxaan iska lay naynaa waa culumadii waa ardaydii qaaliga ahayd alaha noo badiyo abyad iyo kuwa la mid waxaan kaloo leenahay waxaan nahay dad muslimin ah ilaahna wuxuuu noo sheegay inu adoomadiisa ducadooda uu aqbalo ilaahy waxaan weydiisanaynaa inuusan nin dambe oo muslin ah uu san ku imtixaamin khawaarija sheekh ahmed ka dib xaqa alaha nagu sugo

  2. Asallaamu Calaykum

    WUU YAR YAHAY WADAAD SOOMALIYEED OO LA CILMI AH CABDI-RAXMAAN ABYAD.
    WAA WAAJIB SAARAN SHEEKH ABYAD INUU NAQDIYO FATWOOYINKA NOOCAAS OO KALE AH. SHEEKH ABYAD WAA NIN DADAAL BADAN, AAD IYO AADNA U AKHRIS BADAN, WAXAN OO CILMIYA WUXUU KU KEENAY DADAAL. DAR ILAAHAY AYAN U JECLAHAY SHEEKH ABYAD. ILAAHAY WAXAAN KA BAR YAYAA INUU ISAGOO KALE ILAAH INOO BADIYO. UMALAYN MAAYO INUU XASSAAAN XUSEEN NAQDIYI DOONO SHEEKH ABYAD, HADDUU SAMEEYONA WUU CEEBOOBI SABABTOO AH CILMI KUMA AADHI KARO SHEEKH ABYAD.

  3. Asallaamu Calaykum
    TO: Abu Caisha

    Abu Caiha Allah hakaa abaal marsho waanadada hana ku xifdiyo balse waxaan kuu sheegin walaal xaqu waa cad yahay meesha hanuunku jirana waa cad dahay alena waxuu culimada masuul uga dhigay dadka caamada ah in ay u bayaamiyaan diinta ale wax aan diin ahayna in diin looga dhigo ma fiicna, sheikhdu waxay ku xabeebsadeen in si xaqdaro ah lagu baneeysan dhiigeena muda la daadanaayey ee ma ahan muran ka dhex taagan waana loo qabsan hadii aysan cadayn wax jira umadana u digin culimo iyo caamo intaba, marka walaal dhib ha u qaadan wax la bayaaminayaa waa axaadiis lagu tigri falay sheekha yare qaldamayna ma ahan in uu weli qaladkii ku dheganaado waana qaldami karaan culimadu oo ale ayaan qaldamin waxaana haboon ruxii qaldamaa in uu ka soo nodo inta uu jaaniska haysto, waxaan hadalkayga ku soo xirin muran culimada kama dhex taagna waana iska cad dahay umaduna way garan halka baadbaadu ugu jirto aduun iyo akhiro hadii wax badan la sabraayeyana waxaan qabaa in aan sabarkii dhamaan balse wajibaad ay culimadu gudanayaan waxaan culimada Allaah uga baryin in uu wada xifdiyo una denbi dhaafo dhamaantood.

  4. Asalaamu calaykum

    Shiikha allaah ha xifdiyo hana ka abaal marho waqtiga uu ku baxshay siduu u difaaci lahaa diinta Ale umu muscabeey ukhtii ummuramla@hotmail.com iga soo xiriir ukhtii waan ku yare rabaaa.

  5. asslamu calykum salaan dhamaan halagan net.allaha xifdiyo shiikh abyad sida uu cilmigiisa baaxada leh iyo geesinimada leh uu u cadeeyay qaladaka ay wadaan dhalinyarada ayna ku xalaashanayaan dhiiga muslimiinta iyo culumadeena ilaahow u cadee dhalinyada ay khaladka utusinayaan umada somaliyeed iyo culumada.

  6. a.s.c. maasha allah walaalayaal waad mahadsantihiin illahow noo xifdi sheekha waa in la gaar siiyaa cajaladahaan dhamaan shacbka soomaaliyeed,walaahi shaki badan ayaa iga baxay,gaar ahaan puntaland iyo nairobe iyo muqdisho.waan in aan mardanbe la aamusin.illaahayo xifdi umal,shibile,gacmey,abyad.dhamaan culumad soomaaliya.

  7. asc calaykum bahda halgan maxaadarada sadaxaad ma iii daar meso fadlan sidii hore ka dhiga kaligeed soo saara jazaakumullah kheyran

  8. salaamu Calaykum
    mashalaah Sh Abyad alaha xifdiyo walee gafuurka buu jabshay muftigii takfiiriyiinta Xasaan waxa ku talin lahaa in fasaadkiisa la radiyo

  9. Asalaamu C W W.

    Dadka qaarkood ma aysan fahmin dadaalka Sheekh Cabdiraxmaan Abyad iyo Halgan.net ay wadaan. Ujeedka ay lee yihiin maahan inay wax u sheegaan sheekha fatwooday kaliya. Haddii sheekha fatwooday kaliya hoos loola hadlo, yaa markaa u tilmaamahaya oo fatwada qaladkeeda u sheegahaya dhalinyarada iyo caammada. In sheekha hoos loola hadlay maxaanse ka og nahay, oo hadda inteena kale loo tilmaamayo qaladka fatwada, madaama sheekh Hassaan uu san weli qiran qaladkiisa. Fatwada Sheekh Hassan oo ah nin dhallinyar waa arrin aad khatar u ah waxayna mudan tahay culimada waawayn sida Sheekh abyad inay ka hadlaan

  10. Dadka meeshaan ku soo qoraya faallooyinka xambaarsan farriinta ah:” Culimadu yey kuwada hadlin meelfagaare ah ee wexey isugu sheegayeen si’ goonni ah oo yaanu shacabku ogaan waxa la isku hayo”. Dadka sidaa u hadlaya, waxaan qabaa, iney taageersanyihiin fatwooyinka lagu xalaalaysanayo culimada iyo shacabka muslimka ah dhiigooga! Wexey jeclaan lahaayeen in loo aamuso kuwa dadka laynaya oo aan laga hadlin munkarkooda.

    Sida ay u dhawaaqeen oo suuqa u soo geliyeen fatwooyin gardarro ah oo lagu bannaysanayo muslimiinta dhiigooda, ayaa waxaa loo baahan yahay in kor loo dhawaaqo oo shacabkoo dhan la wada ogeysiiyo fatwooyinkaa baadilka ee Ummadda muslimka ah lagu gummaadayo.

    Waqti la aamuso ama hoos loo hadlo way soo dhaaftay, Sameecado waaweyn waa in la qaataa oo shacabta lala dhex maraa si’ baadilkaa looga hortago.

  11. Asalamu caleykum waraxmatulah dhaman Reer halgan.net
    Waxan leyahay jazakumalah kheyran kheyrka badan e ad
    Noso gudbineysan inta kadib cotsi walal muxadaroyinka si
    Qofkasta u dhagesto ubadela mp3 ama vdeo mp4 si an
    Uga faideysano waxan leyahay jazakumalah kheyran

  12. aslaamu c w w wabacad baarakalaahum fiikum wajiisakumalaahum cana qeyran al sheeq abyad,sida waqtigiisa qaaliga uu ugu huray umadiisi soom ee muslimka ah inuu ucadeeyo inxiraafkan diimeed halka uu kaso jeedo asalkiisa&waqtiiganaba iyo halaaga laga dhaxlayba, markaa waxaan kacodsan laaha seekhena seekh c/raxmaan abyad macluumadka uu kasoo diyaariyay waaqiga qatarta ah eeculimada&umada dhiigooda lagu baneysanayo uu u soobandhigo tv soomaliyeed si umadu xaqa ugaaro dhamaanteed hadeey suurtogal tahay,jisaakumalaahum qeyran asc w w.

  13. Asc.
    To: halgan.net muxadaaraada MP3 maad ka dhigtaan walaalayaal.

  14. scw halgan aad ayaad mahadsantihiin taariikhduna wayidin xusi doontaa

  15. Ascww: Ilaah baa mahad oo dhan iska leh, Nabad gelyo iyo naxariisina Rasuulka scw korkiisa ha ahaato. Intaas ka dib: Waxaan culimada Somaliyeed ka codsanaynaa in ay midoobaan oo xaqqa ku midoobaan oo haddii ay wax isu sheegayaan ama is canaananayaan ay si gooni ah ayaku u wada hadkaan lkn ayna meelahaa iyo mawaaqicda iska aflagaadhayn. Haddii aad meelahaan isku jiid-djiiddaan haddee waxaad la mid noqonaysaan wax ma garatada iyo hogaamiye-kooxeedyada oo kale. Haddaba walaalayaa Ilaahay ha idin xafidee yaan la dayicin howsha aad ummadda u haysaa, fadlan wixii canaan iyo isu caqli celin ah ama is qancin ah meel gooni ah la taga oo shacabka yaan loo soo bandhigin. Ilaah baan idiinku dhaariyaye ma wax fiican baa culimo sidii wax magarad wax iska sheegaysa dadka hortiisa! Ilaahow na astur.
    Miadda labaad waxaan u jeedinayaa Ummadda Somaliyeed ee muslimka ah: Walaalayaal yaan shaqo laga dhiganin culimo walaaleheen ah oo masaa’il isku haysta, dhammaantood waa wada culimo mid kasti khayr ayuu sheegayaa, mid shar doon ah oo xumaan u qasdiyay malaha ee midkasti wuu ijtihaaday, kii aseebaana ajarkiisa ayuu leeyahay kee aan aseebinna isaga=una ajar ayuu leeyahay, lkn annaku yaynaan culimada ku mashuulin oo wax ka sheegin oo kala saarsaarin ogow لحوم العلماء مسمومة culimada oo wax laga sheego oo hilibkooda la cuno waa sun, bal way ka daran tahay sunta loo dhinto.Markasta caalimku ixtiraam ayuu naga mudan yahay, wuuna naga taqwo iyo Alla ka cabsi badan yahay waayo Alle sow tuu yiri: إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ waxaas aad arkaysid ee ay culimo is redinayaan ogow waa culimo naga aqoon badan ayakaana Alle ka cabsiga nooga dhow. Marka walaalayaal Ilaah aan ka baqno oo culimada carrabka aan ka dayno. hadaa wabllaahi tawfiiq/

  16. Salaan ka dib
    Waxaan umadda Somaliyeed ee muslimiinta ah u sheegayaa in sheekh Cabdi-raxmaan Abyad uu yahay sheekh jecel wanaagga umadda muslimiinta ah ee Somaliyeed. Muxaadaraooyinkan sababta uu u jeedinayaana tahay inuu kala badbaadiyo umadda dhubaataysan ee muslimiinta ah ee Soomaliyeed. Waxa uuna doonayaa in wax la saxo. In la wada hadlo oo wax la isla garto ayaana wanaagsan. In culimada la laayo xaq maaha, waana lagu cadaab mudanayaa in la dilo qof aad wax isku khilaafsan tihiin laakiin isku ujeeddo tihiin

  17. scw kheyr Allah idin siiyee muxadarada waan sugaynay ilaa maanta ee sheekha kaniini xanuun maad siisaan. Allaha caafiyo sheekha kheyr ayana idiin dhaafay

  18. ASAC. Walaalaha Halgan! salaan diiran, marka labaad waxaan idiin jeclahay Allah dartii. sababtuna waxay tahay, waxaad kulansateen dhowr arimood oo aay naadir tahay in laga helo warbaahinta Soomaalida inteeda badan:
    1. Waxaad si dhex-dhexaad ah oo hufan u difaacdaan Diinta iyo Culumada islaamka gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed.
    2. Waxaad hadba noo soo gudbisaan Nadwooyinka iyo Muxaadarooyinkii ugu dambeeyay ee daafaha dunida lagu qabtay ama loo balamay.
    3.wararkaii ugu dambeey ee dalkeena hooyo.
    4. Waxaad wax ku qortaan qalin saxar`la,oo aay ku larantahay wadaniyad khaalis ah,
    5.Waxaad ka damqataan qofka soomaaliga ah, Min Jig-jiga–Boosaaso–Hargeeysa–Muqdisho ilaa Gaarisaa si isku mid ah.
    Allah haidinla garab galo howsha wacan.

    Waxaan halkan ka salaamayaa walaalkeena, Sheekhena, Sh. Cabdirahmaan, Allah hanoo xifdiyo asaga iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed ee baahinta xaqa iyo difaaca umada u taagan.

    wassalaamu caleeykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

Leave a comment

*