Sheekh Maxamed Aw Yuusuf Sheekh Maxamed Dhagaxtuur oo ku dhintay Afgooye

December 11, 2011 - Written by

Muqdisho:-Alle ha’u naxariistaa waxaa maanta lagu aasay magaalada Afgooye Sh Maxamed aw Maxamed aw Yuusuf oo ku magac dheeraa Sh Maxamed Dhagaxtuur, Sh wuxuu caan ku ahaa Tafsiirka qur’aanka, xilligii kacaanka wuxuu Duruusta Tafsiirka u akhrin jiray Masaajidka taalada Dhagaxtuur ka hooseeya salaadda casir kadib iyo salaadda Maqrib kadib.

dowladu markii ey dhacday wuxuu u wareegay xaafadda Madiina wuxuuna Casharkii Tafsiirka ka bilaabay Masaajidka Uunlaaye, kadib wuxuu Sheekhu u wareegay Masaajidka Xaaji Maamow ilaa tii Alle u timid.

Sheekh waxaa arday u noqday in badan oo ka mid Dhalintii Saxwada oo maantay Shuyuukh ah ama bulashada uga jira meela kaladuwan Sheekh wax caruur ah kama tagin Ardadii uu waxbaray mooye.

Ilaahay ha u naxariisto Sh Danbigiisana Alle ha dhaafo Jannatul firdoosna Alle ha galiyo, muslimiinta iyo ahalkiisaba Sabar Alle ha ka siiyo iyo badal kheyr qaba, aamiin aamiin.

الله أغفر له وارحمه ووسع مدخله وأكرم نزله وارفع درجته في المهديين واغفر لنا وله واكنه فسيح جناتك، واخلفنا خيرا منه والهمنا وذويه الصبر والسلوان

A/Cawale
Muqdisho

12 Comments so far

Leave a comment

  1. aniga oo ah abdulqair ulusow ka mid aha ardayda ka liibaantay sheek Maxamed awyusuf sh. maxamed Alle ha unaxiisto oo janada firdowsa Alle ha geliyo anagana samir iyo lmaan alale ha naga siiyo fidnada socotana Alle hanaga badbadiyo inaa lilahi wainaa ileyhi raajicuun AAAmiiin

  2. SCWXWB:
    ANIGOO KA MID AHAA ARDAYDII SHIIKH MOHAMED 70 NEEYADII AYAAN WAXAAN LEEYAHAY INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN !!! ALLAAHUMA LAA TAXRIMNAA AJRAHU WALAA TAFTINAA BACDAHU WAQFIR LANAA WA LAHU.
    SHIIKHA WAXAAN KU XASUUSTAA NIN DADAAL BADAN OO MAALINTII CASHARKA LABO JEER GALA BACDAL CASAR HADDDANA KU SOO CELIN JIRAY BACDAL MAQRIB.
    SIDAAN MAQLAY SHIIKHA WAXAA MACALLIN U AHAA SHIIKH MOHAMED MACALLIN KULIGOOD ALLAAH JANNADII FIRDOWSA HA GALIYEE.
    SHIIKHA WUXUU AHAA NIN CIBAADO BADAN OO MASJIDKA DHEX DEGAN AADNA U YAQAANA ISA SAARIDDA TAFSIIRKA !!! SHIIKHA AYAA LAGU XAMAN JIRAY IN UU YAHAY WAHAABI WALOW LALA QABO IN UUSAN SI TOOS AH U WEERARI JIRIN SUUFIYADA OO CASHARKIISA KU TAXNAA SE MARKA UU FASIRAAYO AAYADAHA KA HADLAAYA IN AAN ALLAAH LOO SHARIIK YEELIN RUUX KASTAA UU FAHMI JIRAY IN UU SUUFIYADDA RADINAAYO.ALLAAH HA U NAXARIISTO SHIIKH MOHAMED AW YUUSUF ANNAGAN GADAASHIIS NAMA FIDNEEYO.

  3. allah unaxa xariisto sheekheena ,si fiican aya tafsiir uga dhageystay. waxaan xasuusta maalintii in uu laba jeer tafsiir akhrinjiray… waa shekha soo saaray culumida maanta joogta, allah qabrigiisa ha u nuuriyo . ummada soomaaliyeed ayuu ka dhintay…

  4. angoo ah mahdi muridi allah ha u naxriisto janeedee fardoosa allah ha ka waraabiyo waxaan ahaa ardeeydes waxa ka bartay shuukh mohamed (dhagax tuur)

    • bu cabduraxmanDecember 11th, 2011 at 10:43 pm
      reply
      إنا لله وإنا اليه راجعون, اللهم أجرنا في مصيبتنا واخلف لنا خيرا منها
      اللهم ارحم شيخناواعفر ذنبه ووسع مدخله واكرمه يا اكرم الأكرمين
      Anigoo ah mid ka mid ardaydii sheekh ee ka qaatay tafsiirka waagii uu ka akhirin jiray Masaajidka Dhagaxtuur waxaan Ilaahay uga baryayaa jannatul Firdowsa inuu geliyo, dembigiisana uu dhaafo.Ilaayna uu ka abaal mariyo juhuudiisa uu wax ku baray dad farabadan oo aniga aan ka mid ahay.

  5. ASCaleykum allaha u naxariisto marxuum shiikh MAXAMED AW MAXAMED AW YUUSUF DHAQAXTUUR janatul fardowza allaha ka waraabiyo qabrigana allaha u nuuriyo hana u waasiciyo AAMIIN. Cilmigana hala barto waqtigu waa dhow yahay haloo diyaar garoobo yowmuqiyaama sc.

  6. Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

    Waxaan alaah uga baryin sheikha in allaah u naxariisto janatul fardoowsa geeyo allaah u waa siciyo gurigiisa qabriga waxaan umada somaaliyeed iyo ehelikiisoba allaah inooga baryin in uu sabar iyo imaan inaga siiyo.

  7. Innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. illaahay ha u naxariisto sheikh maxamed aw yusuf janatul firdaws alaha ka waraabsho dhamaan ehelki, qarabada ardayda iyo ummada somaliyeedna samir iyo imaan haka siiyo. culumada dhamaadkoodu waxay kamid tahay astamaha qiyamaha. war horeey cilmiga hala barto oo culumada inta inoo hartay aan ka daba yaacno waayo hadi culumadi malinba mid si socda waxa isku so hari doona juhalo, abu dardaa alaha ka rali ahade wa isagi oran jirey,
    فمالي أرى علماءكم يموتون، وجهالكم لا يتعلمون، ولقد خشيت أن يذهب الأول ولا يتعلم الآخر، ولو أن العالم طلب العلم لازداد علماً، وما نقص العلم شيئاً، ولو أن الجاهل طلب العلم لوجد العلم قائماً، فمالي أراكم شباعاً من الطعام، جياعاً من العلم؟”.
    Eebe ha u naxariisto shekha iyo dhamaan muslimiinta. shabakada islamiga ah e halgana kheir alaha siiyo

  8. ilaahay ha unaxariisto sheekha waxaan urajaynaynaa jannda firdawsa

  9. alaha unaxariisto dadka ama ehelkiisii samir iyo imaaan alah ka siiyo

  10. إنا لله وإنا اليه راجعون, اللهم أجرنا في مصيبتنا واخلف لنا خيرا منها
    اللهم ارحم شيخناواعفر ذنبه ووسع مدخله واكرمه يا اكرم الأكرمين
    Anigoo ah mid ka mid ardaydii sheekh ee ka qaatay tafsiirka waagii uu ka akhirin jiray Masaajidka Dhagaxtuur waxaan Ilaahay uga baryayaa jannatul Firdowsa inuu geliyo, dembigiisana uu dhaafo.Ilaayna uu ka abaal mariyo juhuudiisa uu wax ku baray dad farabadan oo aniga aan ka mid ahay.

  11. Allaah ha u naxariisto shaykheena, dhamaanteena samir iyo iimaan hanaga siiyo. Ilaahay jannadiisa haka waraabiyo, allaahumma Aamiin.

Leave a comment

*