Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Naseexo guud u jeediyey reer Boosaaso.(Dhagayso)

December 16, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka jeediyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari muxaadaro  naseexo ah Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada Soomaaliya ee ugu da,ada iyo cilmiga  badan , Shiikh.Cabdulqaadir Nuur Faarax o maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay bulshada qaybaheeda kale duwan gaar ahaan ducaada iyo dhalinyarada magaalada Boosaaso rag iyo dumar ba isagoo Shiikhu Cabdulqaadir uu u jeedi yey muxaadaraad iyo waanooyin qiimo gal ah oo ku aadan dilkii foosha xumaa ee lagula kacay allaha u naxariistee Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu muxaadaradiisa waxaa uu ku soo qaatay sifooyinka ay leeyihiin kooxa lumay oo ay ugu horeeyaan kooxda Khawaarijta  ah oo iyagu shaqadoodu ay tahay in ay dilaan oo kaliya dadka musli miinta ah ,Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in kooxdaas ay dileen raggii ugu qiimo badnaa ee Saxaabada sida Cali Ibnu Abu Dhalin iyo Cismaan Ibnu Cafaan Allaha ka raali noqdeen , kooxdaan ayaa waxaa ay yihiin kuwa aan iyagu marna ogolayn in ay xujo la yimaadaan ayna yihiin kuwo iyagu is cajabiyey.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku celiyey in dilkii Sh Dr Axmed Xaaji ay tahay sida ay u tilmaameen kooxdii fal kaas geystay  isagoo Shiikhu uu xusay in uu hayo xujooyin cad cad uuna hadalkiisu ahayn iska hadal , Sh. Cabdulqaadir Nuur Faaxar ayaa ku booriyey dhalinyarada, Haweenka iyo Mujtamaha oo dhan in aysan hoosta soo gashan nin Ahlu bidaca ah oo alle uu ka dheereeyey naxariistiisa isagoo soo qaatay xadiiskii aha Allaha nacalado kii soo dhaweysta  qof Ahlu bidac ah.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku booriyrey bulshada in aysan qarin ama aysan taakulayn kuwa dila dadka muslimiinta isagoo Shiikhu sheegay in qofkii sidaas sameeya uu Alle ugu goodiyey in uusan heli doonin naxariista Alle , Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ay si gaar ah haweenka iyo bulshada oo dhan ugu baaqay in ay alle u laabtaan kana fogaadaan xumaata iyo wax kasta oo khilaafsan diinta Islaamka.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in Alle ay isku dacweyn doonaa kuwa been abuurka fidiya oo yiraahda  culimada wax ay sheegayaan waa been iyo wixii la mid ah wuxuuna Shiikhu sheegay in maalinta qiyaamaha ay alle hortiisa ku dacweyn doonaa , Shiikh aya ku celceliyey in warka iyo eedeynta ay dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji ay ka jeediyeen ay  u haystaan xujooyin cad cad.

Dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji ayaa diyaarintiisa waxaa qayb ka qaatay Fatwooyin baxay iyo rag ku sugan dalka dibadiisa kuwaas oo baraha Internetka geliyey qoraalo been abuur ah oo ay ku sheegayaan in culimada ku nool degaanada Puntlland ay lacag u aruurinayaan maamul ka Faroole oo ay u yaqaanan maamul Ridadda ah lacagtaas oo ay ku magacaa been Sako , cadaymahaas oo qoraalo  ah kuwa codad ah oo fara badan ayaa ah kuwa keydsan Alle mahadiis iyadoo ay baraha Internetka ay beentii ay fidin jireen ay ka saareen serverkooda taas oo cadaynaysa in aysan haysan wax xujo ah, Baraha Internetka oo fidiya been abuurka culimada ayaa waxaa ay bilaabeen raad gadasho aan u shafeeci doonin.

Hoos ka Dhagayso Naseexadii guud iyo towjiihaadkii uu jeediyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax


[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/naseexoguud.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

15 Comments so far

Leave a comment

  1. ILAAH WAXAAN KA BARYAYAAH IN U MADA MUSLIMKA AH WANAAGOODA ALLA TUSO QILAAFKANA KA DHEXSAARAY

  2. waxan layabay ninka isku dayay in u difaaco been abuuradkii xasan takar e keney aqwasha mowqufada ku ah jabir binu cadilaahi xasan takar waxan rabnaa axadiis u nabiga utiriyay- slcwslm- kama rabno aqwal saxabada qarkood ay dhaheen

  3. Aamiim aamiin aamiin. Abu maryam khayr ilaahay haku siiyo.

  4. AAmiin Allow ka yeel Shiikhu waa nagu waynaaye.

  5. aamiin yaa rabbiii. alloow calaamad ka muuji ciddii sheekh Axmed dishay

  6. Asllaamu Calaykum

    Walee maryan iyo fadumo laka aabo fiican waana labo gabdhood, abu maryan allaah haku xidiyo halkaas ka wad gabayga abu fadumona buraanburka ayuu noo qaabilsan yahay ileeyn iasagaa isagoo rag ah in uu sida dumarka u buraan buro is baday marka waxii gabyha waa xagaag waxii buraanbur macno daro ahna aa xagiisa anaguna axaan nahay dhegaystayaal.

  7. fadlan waxaan ka codsanayaa walaalaha wesitekan wada in ay uruuriyaan xogaha soo gala website-yada inay uruuriyaan wixii xog ah ee taabanaya ummadan islaamka ah iyo diintooda ayna siiyaan marka ay ubaahdaan dadka u ahalka ah sida culimaddu. maadaama iyaga aan looga fadhiyin inay hawshaa qabtaan waa culimadee. kheyr badan alle ha idin siiyo

  8. allah ha ka abaal mariyo wacdiga qayimka ah e sheekha laakin somali ma qaadanaysaa?

  9. jazakalaahu khayra ABU MARYAMA walahi waan arka anigaba cantara baqashka aad aragtay alaha kaa abal mariyo saad uga jawaabta gabay murtiyeeysan ayaad kaga jawaabtay dhaq dhaqaaqa eebow kaqaad dhami ahaantoodba aamiin aamiin aamiin aamiin yaaa rabi

  10. Ilaahey ha xifdiyo Culimada kuwa laynaya ilaahey ha ku ciqaabo adduun iyo aakhiraba aamiin halgan ilaahey ha idiin barakeeyo

  11. Allaha noo badiyo sheekh c/qadir oo kale

  12. Salaamu Calaykum
    aad baan ugu mahad celinayaa Halgan.net waxaan codsanayaa in ay keydi yaan dhamaan qoraaladii been abuurka ahaa iyo barta internetka ku soo baxay Aniga waxaan hayaa qoraalo ay ka mid yihiin in ay yiraahdeen sufahada qora webabka qaarkood in ictisaam lagu fasaxo amniyaadka iyo in kale ayaa la sugayaa shirka baydhabo,Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa ehelada Dr Ahmed in ay dacwo la beegsadaan kuwa jooga UK iyo USA ee qoraalada qora hadii la yaqaan
    sw

  13. Waxaan milicsaday subixii axada somalimidnimo/gobsor. oo aan ku arkay hadal la yaab leh iyo buraan bur cantabaqash ah oo macnihiisu ahaa isku dirka beelihii dhowaan ku diriray Gaalkacayo oo uu soo diray nin la baxay Abwaan Abuu Faadumo. Waxaana kaga jawaabay tixdan gabayga ah oo isla markiba igu curatay; waxaan akhriste kasta ka baryayaa inuu Ammiin ii yodhaahdo marka uu soo gaadho qaybta gabayga ee ka billabma (dh)

    (Shawlad iyo dhuxulo naarahay shararki oogeene) Abuu Fadumo
    (Shawlad iyo shamacyey shideen sharar colaadeede) Abuu Maryama
    Ma ihi gabyaa mana jecli inaan gabyo, waxaanse iga keenay gabaygan markaan arkay sida ninka la baxay Abwaan Abuu faadumo u buraanburay, waxaan kasoo jeedaa reer gabayad caan ku ah, mar-marna waan ku tuurtaa.

    Dambigaad xambaartaa ka daran didirtan aad qaaday.
    Dibnahaaga been laguma dayo duub adoo xidhane.
    Dibindaabyo shacab baad wadaa, daayin abidkaaye.
    Dilkii sheekha loo gaystay baad, duug is leedahaye.
    Dunidoo dhan baa laga damqaday, daalinkii dhigaye.
    Digniin Eebe soo diray miyaa dayax madoobaaday.
    Doqon baan dugaalsiyo lahayn deris wanaagtoona.
    Dalacaad ilaah lagumo helo, dira-diraalayne.
    Dab munaafaq shiday baa dad badan, dirrir u oogaane.
    Dadkii shalay heeshiisyada galaad, dooni dirirtoode.
    Dunidoo dhan baad doonaysaa, inaad duduucdaaye.
    Diintii Ilaah baad ku diri,duni idalykeede.
    Dacwad baan Ilaah tuugayaa, goor qoraxi dumiye.
    Dilkii sheekha loo gaystay baan, kaa dacwo aski ahy.
    Ducadii Ayuub baan Allow, kaa dalbanyaaye.
    Dadkii soo abaabulay Allow , duubku wada hoodho.
    Dibnahooda Eeboow kayeel, dacar dhunkaaleede.
    Dhabarkooda Eebow ka taag , taalo dhool gu’yahe.
    Dhalool labada cayna uga yeel, dhaaya aragooda.
    Dhabanada Allow kaga dhirbaax, dhamas diraaceede.
    Dhala ha ugu deeqine Allow, dhabarku laab-laabmo.
    Dhuuniga wax lagu cuno, Allow dhagax ka fuulaaye.
    Dheef-shiidka Eebow ka gali, Dhuudhi iyo Rooro’e.
    Dhaq-dhaqaaqa Eebow kaa qaad, dhami ahaantoodba.
    Dhulka lagu socdaa uu ku dhego, dhuuni qaataha e.

  14. Salaamu Calaykum
    Aaad baan ugu mahad celinayaa Sh C/qaadir Nuur Faarax ilaahay ha xifdiyo waxaa ilaahay siiyey geesinamo iyo raganimo culumada rabta in ay mustaql iska dhigaan oo dilka ka fogeeyaan alshabaab waa kuwa dan leh waxaa loo socdaa in la laayo culumada Puntland mana aqbali karno shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay kacaan oo ay culumadooda ilaashadaan ayna sameystaan ciidamo madani ah oo amaanka magaalooyinka suga
    kuwa culumada sheeganaya ee uma hoosaasinaya alle ha ka baqaan

Leave a comment

*