Shirka wadatashiga wejigiisii 2aad oo maalintii 2aad ka socda magaalada Garoowe

December 22, 2011 - Written by

Garoowe:-Shirka wadatashiga wejigiisi 2aad ayaa waxaa saaka mar kale dib uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland iyadoo shirka maanta uu ka duwanaa kii shalay oo ahaa furitaan , shirka maanta ayaa waxaa la guda galay arrimo dhowr ah  oo ku saabsan Roadmapka oo uu ugu horeeyo Dastuurka iyo qaabka loo yaraynayo tiran uu ka koobnaan doono Golaha Baarlamaanka DFKM.

 

Dood dheer ka dib oo dhexmartay qaybaha kale duwan ee ka qayb galaya shirka ayaa waxaa la doortay  ilaa 2 gudi oo kala ah

1-Guddiga dastuurka

2-Guddiga ansixinta dastuurka

Guddiga Dastuurka ayaa waxaa loo xulay in ay soo dhamaystiraan kana soo doodaan axdi qarameedka la doonayo in loo dejiyo
dowllada Soomaaliyed ee la doonayo in la dhiso bisha Augusto ka dib 2012, Dastuurka la doonayo in la soo dhiso ayaa waxaa uu u muudaa mid noqon doono mid Federaal ah walow aan weli si rasmi ah aan qalinka loogu duugin.

Shirka maanta ayaa waxaa goob joog ka ah xubno fara badan oo ka socda beesha caalamka iyo dowlladaha deriska la ah Soomaali ya oo iyagu ah kuwii soo dhisaya DFKM taageero dhinac dhaqaaalaha iyo Milaterigaba, Madaxda Soomaaliyeed ayaa iyagu ah kuwa ay ku kala dhexjiraan Saraakiil ka socda UNka kuwaas oo mar walba ah kuwa arrinta Soomaaliya ay gacanta ugu jirto.

Gudiga fulinta ayaa waxaa iyaga loo qoondeeyey in markii la soo dhamaystiro Dastuurka iyo qaabka loo yaraynayo Golaha Baarlamaanka DFKM ay iyagu ansixiyaan, ansixinta Dastuurka ayaa waxaa uu ka dhici doonaa  Xarunta weyn ee jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe.

Shirka ka socda maalintii 2aad magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda DFKM, Puntland Gal-mudug, ahlu suna waljamaaca, qurbo joog iyo aqoon yahano lagu casumay shirka , dad badan ayaa dhowraya bal wax ka soo baxa shirka iyadoo siyaasi yiinta Soomaaliyeed lagu yaqaan in marka shirku dhamaado aan la fulin wixii lagu hishiiyey.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online