Soonka Muxaram waa Fursad Qaaliya! W/Q Calinuur Xoogsade

December 4, 2011 - Written by

Bilaha 12ka ah ee aan tirsano hadii aan nahay Muslimiin waxaa ugu horeeya Muxaram oo ah mid ka mid ah Afar bilood oo si gaar ah Xurmad u leh, bishaan Muxaram waa waxaa la jeedeeyaa in la Soomo maadaama uu Nabigeena Suuban Soomay Maalinta Tobanaad asagoo ku faraxsanaa xusuusta Munaa sabadii Nabi Muuse iyo Qoomkiisii lagu badbaadiyay lagauna Halaagay Fircoonkii Kibarka badnaa.

 
Taariikhda Soonka Muxaram:

Sida k u Cad Axaadiista Bukhaari iyo Muslim Soonka Muxaram waxaa uu bilaawday markii ay Muslimiinta Magaalada Madiiinah usoo Hijroodeen ka dib, markii Nabiga Nabad iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee uu arkay Yuahuudii Madiinah oo Sooman ayuu weydiiyay Sababta ay Maalinkaas u Soomayaan? Waxa ayna ku yiraahdeen: waa Maalin Wanaagsanwaa Maalinkii uu Alllaah ka badbaadiyay Israaaiiliyiinta cadawgoodii FircoonNabi Muusana wuu soomay , markaa ayuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee ugu Jawaabay: {Muuse anaa Idinka Xaq badan} wuuna soomay Maalinkaas in la Soomo ayuuna Muslimiinta Faray, waxa uuna ku yiri: {Idinkaa Muuse Yuhuuda uga Xaq badan ee Sooma}. sidaas ayuu ku bilaawday Soonka Caashuuraa taariikh ahaan.

Saxaabada qaar ayaa Nabiga Suuban ku yiri:Caashuuraa way Xormeeyaan Yuhuuda iyo Nasaaradaba waa weyneeyaan, waxaa uuna ku yi ri: {Hadii aan Sanadka dambe la gaaro Sagaalkana waan Soomi doonaa} hase yeeshee Nabiga ma gaarin sanadkii xigay oo ka hor ayuu geeriyooday.

Sidaa darteed waxa ay yiraahdeen Imaamu Shaaciy iyo Asxaabtiisa, iyo Imaamu Axmad iyo Isxaaq iyo Culimo kalaba :[waxaa suna ah in Sagaalka lala Soomo Tobanka Muxaram].

 Xikmada ku jirta in Sagaalka lala Soomo Tobanka Muxaram:

Imaamu Nawawi waxa uu yiri: [Culimada waxa ay Sheegeen..: ula jeedada Sagaalka loo soomo waa ulo jeedooyin kala duwan: Marka koowaad waa in Yuhuuda lagu qilaafo maadama ay Tobanka kaliya Soomaan, …waxaana uuna sheegay Xikmado kale…. ]

Xikmadaas  ah in la qilaafo Yuhuuda ayaa ugu weyn sababta ugu weyn ee Sagaalaadka loo raaciyanayo, sidaa darteed ayuu Ibnu Teymiyah yiri: [Rasuulka waxa uu reebay Axaadiid fara badan in la isku ekeysiiyo Ahlu Kitaabka, ….waxaana  ka mid ah hadlkii Nabiga ee ahaa: {Hadaan noolaado ilaa Sanadka xiga sagaalka Muxaramna waan Soomi  doonaa}] waxaa uuna sidaas ku qoray Kitaabkiisa Fataawiga ah ee weyn Mujalada Lixaad.

 Tobanka kaliya waa la Soomi karaa:

Marka waxaa haboon in la isla wada soomo Sagaalka iyo Tobanka Muxaram, hadiise ay dhacdo ruux inuu soomo Tobanka kaliya waa u Banaan tahay Ajarkii iyo Fadliga Soonkana Caashuuraana wuu helayaa, in leys raaciyana ugu fiican sida aan horey usoo sheegnay.

Ibnu Teymiyah waxa uu leeyahay: [Soonka Caashuuraa waxaa  uu kafaaro u yahay hal sano, karaahina ma aha in kaligiis la soomo] Fataawaha weyn Mujaladka 5aad.

Kitaabka la yiraahdo Tuxfatul-Muxtaaj ee uu qoray Ibnu xajaar Al-heythami waxaa ku qoran: [Caashuuraa in kaligiis la Soomaa dhib malaha] Juzka Sadaxaad Qeybta Soonka Sunaha looga hadlay ayuu kaga qoran yahay.

 Caashuuraa Sabti ama Jimco Xataa waa la Soomi karaa:

Imaamu Dhaxaawi wax a uu yiri: [Rasuulka Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee waxa uu idmay in la Soomo Caashuuraa si gaar ah ayuuna u Cadeeyay, mana dhihin Caashuuraa hadii uu Sabti noqdo ha Soomina, arintaas waxa ay Daliil u tahay Maalmaha oo dhan in Soonka Caashuuraa soo gali karo...] Mushkilul-Aathaar Juzka 2aad Qeybta Soonka Sabtiga.

 Fadliga Soonka Muxaram:

Imaamu-Bukhaari waxaa ku Qoray Kitaabkiisa Inuu Ibnu Cabaas Alaha ka raali noqdee yiri: [Ma arkin Rasuulka Allaah oo ku dadaala Maalin Soomitaankeed  asagoo Maalinkaas ka Fadilo Maalmaha kale marka laga reebo Maalinta Tobanaad ee Muxaram iyo Soonka Bishaan Muxaram].

Imaamu-Muslimna waxaa u u ku wariyay Kitaabkiisa inuu Nabiga yiri: {Waxaan Soonka Caashuuraa Illaah uga arajeynayaa inuu Dembiga ku dhaafo Sanadkii ka horeeyay}.

Imaamu Nawawi waxaa ku yiri Kitaabkiis Almajmuuc: [.. Asxaabteena waxa ay yiraahdeen: Caashuuraa waa Maalinta Tobanaad ee Bisha Muxaram, Taasuucaana waa Maalinta Sagaalaad ee Bisha Muxaram sidaas ayaa Mad-habkeenu Qabaa, waxaa kaloo Sidaa Qaba Jumhuurta Cilimada Muslimiinta..]

Imaamu Ibnu Qudaama waxa uu asagana yiri: Caashuuraa waa Maalinta Tobanaad ee Muxaram sidaas waxaa qaba Saciid Ibnu Musayib iyo Xasal-Bisri maadama maadama la wariyo Ibnu Cabaad inuu yiri: [Rasuuka Allaah-Nabad iyo Naxariis korkiisa Alha yeelee- waxa uu amray Caashuuraa in la Soomo ee ah Tobanka Bisha Muxaram] Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay, waxa uuna yiri Waa Xadiis Xasan oo saxiixna ah..

 Dambiyada lagu Dhaafo Soonka Muxaram:

Soonka Muxaram waxaa lagu helaa Dembi dhaaf gaarasiisan sanadkii tagaya Dembiyadii la galay marka la yiraah waxaa muhiim ah in la cadeeyo nooca Dembiyada lagu dhaafo Soonka Caashuuraa si aan si aldan loogu fahmin Nusuusta Fadliga lagu Yaboohay.

Imaamu Nawawi waxa uu yiri: [waxaa lagu dhaafaa Dembiyada yaryar oo dhan ayadoo aysan ku jirin kuwa Kabaairta ah..].

Imaamu Nawawi waxaa sii raaciyay hadalkiisa hore i: [.. Hadii ruuxa uusan laheyn Dembi yar iyo Dembi weyn toona waxaa loogu qoraa Ajaro ahaan, waxaana lagu koryeelaa darajooyin , hadiise uu ku dhcay Dembiyo waa weyn ama Dembi weyn mid yarna uusan laheyn waxaan rajeyneynaa in Dembiyada waa weyn looga qafiifiyo] Kitaabka Majmuuca Juzka 6aad

Ibnu Teymiyahna waxa uu yiri: [Dembi dhaafka lagu helo Weesada , Salaadaha, Soonka Ramadaanka, Soonka Carafo, Caashuuraa waa Dembiyada yaryar kalaiya] Fawaaha weyn Juzka 5aad.

Illaah hanaga dhigo kuwa Demniyadooda laga dhaafo kana faaiideesta Munaasabaadka kheyrka ee Maalin Bil iyo Sanad kastaba ku dhex jira Aamiin Aaamiin Aamiin 05/Muxaram/1433.

 

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online