Wafdi uu hogaaminay ku xigeenka Augostine Mahiga oo gaaray magaalada Garoowe

December 16, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha soomaaliya  Christian Manhal iyo saraakiil ka socda Qaramada Midoobay , Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee UN ayaa waxaa oo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe wafdi uu horkacyo Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeen Gen Cabdisamad Cali Shire.

Ciidanka Ilaalad Madaxtooyada ee Garoowe iyo kuwa daraawiishta ayaa aad u adkeeyey amaanka garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan amaanka magaalada Garoowe oo maalmihi la soo dhaafay ay ka socdeen kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo adkeynta nabadgelyada iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Garoowe shirkii wadatashiga qaybtiisii labaad.

Wafdiga uu hogaaminayo ku xigeenka Mahiga ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee dollwada Puntlland waxaan hadda ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaa masuuliyiinta dowllada Puntlland iyo wafdiga Qaramada midoobay , imaanshaha wafdigaan ee magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmaya iyadoo shirkii wadatashiga ee loo balansanaa in shalay uu ka dhaco magaalada Garoowe uu dib u dhac ku yimid ka dib markii Madaxda DFKM uu khilaaf soo kala dhexgalay iyadoo khilaafka lagu  soo beegay  maalmo ka hor markii loo balan sanaa in shirka wadatashi wajigiisa labaad uu ka bilowdo 15. 12. 2011.

Waftigaan soo gaaray saaka Garoowe ayaa waxaa ku jira masuuliyiin ka tirsan DFKM walow aan si rasmi ah loo shaacin magacyadooda iyo masuuliyada ay ka hayaan DFKM , wafdiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeey magaalada Garoowe, ilaa hadda ma jiro wax xog ah oo ay helleen wariyaasha iyo saxaafada kale balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xog rasmi ah laga hello wafdiga iyo u jeedada safarkooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online