Wararkii ugu danbeeyey ee saaka naga soo gaaray Markazkii Daarul Xadiis ee Damaaj

December 1, 2011 - Written by

Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Sacda ayaa sheegaya in saaka uu xaalka degan yahay ka dib markii xalay ay hoobiyaal iyo madaafiic ku soo tuureen kooxda Xuutiyiinta difaacyda ardayda Markazka Daarul Xadiis oo garab ka helaya Qabiilka Waadica oo ka dhashay Sheekh caalimka ahaa Sh Muqbul Bin Hadi Al-Wadicii.

Hoobiyaasha iyo Madaafiicda ay soo tuureen kooxda raafidada ee xuutiyiinta ayaa waxaa ku shahiiday walaal u dhashay wadanka Aljeeriya oo magaciisa la yiraahdo اسماعيل السوفي .

Markazka Daarul Xadiis ayaa ah Markazka ugu weyn ay salafiyiinta ku leeyihiin dalka Yemen kaas oo lagu barto culuumta Sharciga ah waxaana haatan gacanta ku haya Sh Yaxye Al-Xajuuri Xafidahulaah.

Warar aan wili la hubin oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegaya in uu dhintay أبي علي الحاكم oo ka mid ah hogaamiyaasha kooxda xuutiyiinta  iyo wiil uu dhalay ka dib markii miino ay la kacday gaarigii uu watay .

Wakaalada wararka ee reer galbeedka ayaa si xun warbixin uga qoray Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj waxayna ku sheegeen xarun ay ku tawabartaan Salafiyiinta iyaga oo ka dhigay xarun ciidan  waxaana wararkaaas beenta ah faafiyey TV DR oo ka howlgala dalka Denmark iyo wakaalada wararka ee AFP.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Nasrudiinow wallaale inaad wax aadan ahayn iska dhigtid oo aad adigoo quraanjo ah aad maroodibaan ahay tiraahdo awood aadan lahayna ayaa wahni ah marka xamaasadda iyo jar iska xoornimada meel la fariiso,haday walaaluhu yiraahdeen meesha cilmi baa lagu bartaa oo meel caskari ma ahan maxay dhimeen? mase la socotaa in meesha cilmiga lagu baranayo ee dad iska shacab ah joogaan iyo goobaha caskarigu ay laba kala xukun qaadanayaan…? tusaale ahaan nebigu markii uu ciidamo dirayo wuu u kala saari jirey asxaabtiisa cidda la weerarayo iyo cidda kale, haddii marka nin mujrim ah oo isagu kusoo tala galay inuu burburiyo kheyrkaas iyo dacwadaas meesha ka socota oo doonayo wax uu kusoo maraanmarsiiyoodo aan iraahdo waxa aad sheegayso meeshaan kama jiraan oo waa xarun dadka cilmiga lagu baro ma been iyo wahnibaa…? ilaahay diinta ha ina fahansiiyo oo ha inagu sugo, aduunkaan maanta waxa silac muslimiintii haysta waxaa u keenay mid isagu muslimiintii cagta saarey oo horumarkii ka hor istaagey iyo mid kale oo jar iska xoor ah oo wuxuusan ahayn ismooday oo kolba meel ku gabanaya, muslimiintiina usoo jiiday dulli iyo hoog iyo halaag meel cidla ahna kaga dhaqaaqey, xadiis ayaa wuxuu ahaa ” ma haboona in qofka muslimka ah naftiisa dulleeyo, markaasaa la yiri rasuul allow see naftiisa u dulleynayaa markaasuu yiri nebigu(csw) wuxuu naftiisa u bandhigayaa belaayo uusan ka bixi karin..” bal yaa ka dullisan maanta isagoo aan awood lahayn uu cadawgiisa ku muqaawameeyo ee hadana adduunka oo dhan u qeyshanaya ee leh wax baan burburin iyo meel heblaayo iyo meel heblaayaan qabsan kolbana meel ku gabanaya…

    • KU: bashir, “carrab dalab leh cagtii dalaba leh laga garan og,,,,akhii wax dhibaato ah muu sheegin walaal nasrudiin, adigoo aan buuro jibaaxin,aflagaadoon,tuhmin walaalkaa, jar iska xoornimo iyo xamaasad midna ku tilmaamin, waxay ahayd inaad tidhaahdo meesha in waxa ay tahay lagu tilmaamaa ayaa sax ah waa xarun waxbarasho,midda kale gaalo ama run u sheg ama isu jilci ama isu adkee,waa gaalo waxaa la yiri dhagax taabasho iyo tuujin waa kii tabtii ka ah……maa fii mjaamalo walaa…….

    • Jar iska xoornimo ma ahan. Waligaa hadii aad gaalo u calaacasho ogowna in aysan kugu daynaynin. Hadii ad dhahdo meesha waxbaan ku bartaa ama waan ku tabo bartaa gaalada waa isugu mid. Intaas oo dhalinyaro ah oo wax baranaysa gaaladu ma rabtaa adiga ayaan ku waydinayaaye? Midda kale waligeed meel gaalo iyo muslim ku dagaalaan tirada iyo tayada gaalada ayaa badnayd inta taariikhda lagu hayo. Xaqa iyo bdilkuna waa sidaas. Qardo jeexnimo ma ahan waa in aad ogaato qori ma haysto oo ma dagaalamo in aan lagugu daynaynin. Tusaale falastiin ama yuhuda hala dagaalan ama yaysan la dagaalmin miyaa lagu daynayaa sidaas? Wahniga na haysta waxay tahay in aan dhimano ma rabno taaso keentay in loo calaacalo gaalada.

  2. Acww walaalayaal goorma ayay noqotay tababar la qaatona ceeb ama been lagaa sheegay. Qofka muslimka ah waa ku waajib tababar sida allah SWT ku sheegay suuratul Anfaal. Cilmiga barashadiisana waa tababar kale. Marka aan iska dayno gaala ka cabsiga ama gaalo isu jilcinta run hadii aad u sheegto ama been aad u sheegto ogow in aysan kugu jeclaanaynin. Hadii aad diintada ka tagtana ama walaalaahaa la collowdana aysan kugu rabin. Marka wahniga nagu dhacay aan iska qaadno.

    Wassalamu Calaykum

Leave a comment

*