Wararkii ugu danbeeyey ee saaka naga soo gaaray Markazkii Daarul Xadiis ee Damaaj

December 1, 2011 - Written by

Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Sacda ayaa sheegaya in saaka uu xaalka degan yahay ka dib markii xalay ay hoobiyaal iyo madaafiic ku soo tuureen kooxda Xuutiyiinta difaacyda ardayda Markazka Daarul Xadiis oo garab ka helaya Qabiilka Waadica oo ka dhashay Sheekh caalimka ahaa Sh Muqbul Bin Hadi Al-Wadicii.

Hoobiyaasha iyo Madaafiicda ay soo tuureen kooxda raafidada ee xuutiyiinta ayaa waxaa ku shahiiday walaal u dhashay wadanka Aljeeriya oo magaciisa la yiraahdo اسماعيل السوفي .

Markazka Daarul Xadiis ayaa ah Markazka ugu weyn ay salafiyiinta ku leeyihiin dalka Yemen kaas oo lagu barto culuumta Sharciga ah waxaana haatan gacanta ku haya Sh Yaxye Al-Xajuuri Xafidahulaah.

Warar aan wili la hubin oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegaya in uu dhintay أبي علي الحاكم oo ka mid ah hogaamiyaasha kooxda xuutiyiinta  iyo wiil uu dhalay ka dib markii miino ay la kacday gaarigii uu watay .

Wakaalada wararka ee reer galbeedka ayaa si xun warbixin uga qoray Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj waxayna ku sheegeen xarun ay ku tawabartaan Salafiyiinta iyaga oo ka dhigay xarun ciidan  waxaana wararkaaas beenta ah faafiyey TV DR oo ka howlgala dalka Denmark iyo wakaalada wararka ee AFP.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online