Yaa dilay Dr. Axmed Xaaji W/Q Dr Sheekh C/risaaq Maxamuud Takar(قال تعالى: (وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُّتَعَمِّداً فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً)- النساء)

December 5, 2011 - Written by

 Illaahay ha u naxariisto Dr. Sheekh Axmed Sheekh Cabdiraxmaan, Janatu Al-firdawsna ha geeyo, samir iyo iimaana ha kasiiyo eheladiisa iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed. Bartilmaamaysiga iyo beegsiga bir ma gaydada Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin: Waxgarad ka, Culumada, Ducaada Dhaqaatiirta iyo cuqaashu waa arin qorshaysa. waayahan danbeba waxaa ka dhacayay Wadanka guud ahaan gaar ahaan Puntland dilal qorsheysan iyo falal amaan darri ah.

 Yaa dilay Dr Axmed Xaaji: Ma aano qabiilbaa? ma kooxda Al-Shabaab oo beryahanba culuma u dhaaranaysay baa dishay? ma Ashahaado la dirir baa dilay? mase cadow banaanka ka yimid ayaa dilay?!!  Xalay wuxuu Sheekhu ka hadlay arrimihii Suuqii ku gubtay magaaladaas, wuxuuna ku booriyey dadkii lahaaa hantidii gubatay in ay ku samraan dhibaatada soo gaartay, isagoo ku baaqay in loo gargaaro walaalihii hantidooda ku waayay musiibadii ka dhacday Suuqii gubtay ee Boosaaso.

In badan ayaa Culumada Rabaaniyiinta ahi ku cel-celiyeen Xurmada Dhiiga qofka Muslimka ah. Waxay Culumaddu cadeeyeen in Allaah Quraanka ku xaaraantimeeyay, Rasuulkuna (SCWS) Axaadiis badan ku sheegay Xurmada iyo sida halista ay u tahay dhiiga qofka Muslimka ah Aduun iyo Aakhiraba.

Sidoo kale waxaa in badan culumadu ka digeen – kuwii hore iyo kuwa hada noolba- khatarta ay leedahay ku deg degida gaalaysiinta muslimiinta, qof caadi ah, ama caalim ah amaba bulsho weyntaba. Waxay culumada Salafku isku raaceen:

)لا يجوز التعجل بتكفير الناس والمجتمع إلا بعداليقين الجازم من وجود أسباب الكفر وموجباته( Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiguna saas ayay na farayaan: قال سبحانه : (يا أيها الذين آمَنوا إذا ضرَبتم في سبيلِاللهِ فتَبَيَّنوا ولا تقولوا لِمن أَلقَى إليكم السلامَ لستَ مؤمِنًاتَبتَغُون عَرَضَ الحياةِ الدنيا فعندَ اللهِ مَغانمُ كثيرةٌ كذلك كنتممِن قبلُ فَمَنَّ اللهُ عليكم فتَبَيَّنوا إن اللهَ كان بما تعملونخبيرًا) (النساء: 94)  Ayaadu labo jeer ayay kusoo celcelisay:(فتَبَيَّنوا) Nabiguna (SCWS) kama aqbalin Usaama (RC) cudurdaarkii uu soo qadimay markuu dilay ninkii yiri : إلا اللهلا إله waxuuna ku yiri: ” “هَلاّ شَقَقتَ عن قلبه Aayad kale Alle waxa uu leeyahay: (يا أيها الذين آمَنوا إن جاءكم فاسقٌ بنبأٍفَتَبَيَّنوا أن تُصيبوا قومًا بجَهَالةٍ فتُصبِحوا على ما فعَلتم نادمين(الحجرات: 6) Anaga oo aan garanayn ilaa hada,cidii ka dambeysay dilka Sheekh Axmed, hadana Waxaa wax aad looga xumaado ah, kalmadaha dadka qaarkood culumo sheeganaya ka soo baxaya iyaga oo jahli u gaystay ama aan ka fiirsanayn waxa ka ratibmaya hadalkooda.

 Qofka muslimka ah oo la yiraahdo ama lagu eedeeyo: Murdadnimo, ama camiil (jaasuus cadow) macnaheedu waa adiga oo dhiigiisa banaystay ama u fatwooday kuwo maan gab ah. Aduun iyo akkhirana dhiigiisa waa laguu haystaa.Sheekh Axmed Allaha u naxariisto, gacan ka xaq daran ayaa dishay. Wuu soo xajiyay, Salaad subax isagoo jamaaco ku soo tukaday Soomana Attaasuucaa oo ah maalinta ka horaysa Al-Caashuuraa oo ah tobanka SHAHRU LAAHI AL_MUXARAM ayaa la dilay. Khaatimo wanaagsan ayaa Alle u dooray, afkiisa iyo gacantiisuna waa ka nabad galeen fitnada iyo dilka wadanka ka socda.

Sheekha waxaan is moogayn hal Asbuuc, wuxuu aad kulanada guud ahaan iyo gaar ahaanba dadka uu ku guubaabinayay Diinta Alle barshadeeda iyo fidinteeda. Hadalada aanan hilmaamayn ee uu ku celcelinayay waxaa ka mid ahaa: Diinteena iyo dalkeena ayaa loo danleeyahay.

Waxa uu ahaa: Mucalim murabbi ah, Waxa uu ahaa:  Daaci fidinta Diinta Alle u taagan, waxa uu ahaa: Muslix ku hagoogta markii fitno soo daahirto, waxa uu ahaa faqiih mufti ah oo u kala cadeeya dadka xalaasha iyo xaaraamta, waxa uu ahaa Aabe ilmihiisa xanaaneeya:(الا شلت يد قاتله).

 W/Q Shiikh Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar

 

19 Comments so far

Leave a comment

  1. walaala yaaloow illaaheen aan ka baqno daniga xun aan iska dayno illaaheen ayaa xaqiiqda og waxaa quraaka ku jirta daniga qaar waa denbi islaankuna cadow badan buu leeyahay ee illaahay waxaan ka baryey waan kahelijiray waxaan way diisto in uu kuwaa fashiliyo oo noo cadeeyo cida ay yihiin cadaabkiisana ku soo rogo aduun iyo aahiro shiikhna u naxariisto iyo dhamaantee/// aamii aamiiin aamiiin aaamiiin

  2. waxaa layari qof walba wuu yaqaan cadawkiisa
    somaliduna waxay ku mahmahdaa nin walba wuu yaqaan cadawkiisa .
    markaa qof micno daro laguma tilmaamo haduuma wax samayn

  3. asc ilaah ha unaxariisto sheekh axmed waxaana ilaah uga baryayaa inuu janatul fardowso geeyo aamiin umada somaliyeeda samir ilaah ka siiyo dhamaanted qof walbaa wuu dhimanayaa taas waa xaq shaakha waxaa dishay gacan ka xaqdaran asagoo salad subax ka soo baxay oo hadana sooman anigu waxaan xasuustaa wadanka markuu ku soo doqday ayaan ayuu magalada buurtinle yimid waaxaa ka xasuustaa inuu dadka oo dhan u furfurnaa dadka qarabada la ahaa waxay u badnaayeen khadiriya waalaahi waan dhaartee aad ayuu u soo dhawayn jiray maya iska xirxiri jirin wuu dhaqaalayn jiray ilaa qaarkood jeclaysteen
    intaas hadaan ugu baxo abdulaahi su aal ayuu dad waynaha waydiiyay lada taker ma isku midbaa haaaaaa waa labo wlaalo ah ilama maxumud taker ayaa ladhahaa waana reer goldogob ws

  4. Asalama calaykum waraxmatulahi wabara kaatuhu.
    Walalaha wanaga iyo khayrka jecelow.
    Bacdal salan somaaliya maanta waxay maraysaah ruxii fitnada iyo aakhira seega socda ka hadla ummadana u nasteexeeya in la xukumo in la dilo dhiigiisana la xalaalaysto.
    waxan idiin sheegayaah hadaanu sidaas ku aamusno inaanu halagsamayno.
    daaifadan yartaa ee taagan booskii khawarijtii jaziiratul carab ee xiligii sayid cali,una banaysatay dhiiga culimada iyo ummada islamka ah sidii kuwii ka horeeyey ee ay casharka ka qaateen.in loo istaago iska celintooda iyo diinta iyo culimadana la garab istaago.taas baana liiban aduun iyo tan aakhiraba lagu helayaah.
    khawarijta waxaa calaamad u ahaa in ay dilaan ruxii aan aaminsanayn madhabkooda iyo waxay rabaan,sidii bayna ku tageen kuwan yar ee Ummada sharaftoodii iyo dhiigoodii banaystay, (waxaan idin leeyahaye ina nasrulaahi qariib) waqtiginii waa dhamaday ruux ka danbeeya shiikh dr.axmed xaaji ilaah idinku saladi maayo.

  5. Ilaahay sheikh ha unaxariisto, cida dishaayna waa cadahay in laga mereystaa waxba tarayso

  6. shahaada allahaa ka aqblo shiikha diinta daraadeed ayaa loodilay … lakin qofkasto waxaa laga rabaa in uu si nuxur leh u dhagaysto hadalka sheekh cabduqadir nuur farax iyo hadalka sheekh bashiir amxed salaad marka shaki kuma jiro in jaahilinta khwaarijtu maleegeeen jariiimadaas foowsha xun ……………..

    suaaaaaaaaaaaal ayaan waydiinaya walaalaha 2daan takar ma isla dhasheen xasan takar iyo cabdirsaq takar ………………….. yaa ii kala sheegi kara mahasanidiin

  7. ALA HA UNAXARIISTO DR.AHMED HAJI ABDIRAHMAN JANADISANA ALA HAKAWARABIYO SAMIR IYO IIMAN ALA HAKASIIYO EHELADIISA IYO SOMALIDA ISLAMKA IYO ITA WANAGA JECEL OODHAN WUXUU AHAA QOF UU ILAHAY UNAXARIISTEY GACAN KA XAQDARAN AYA DISHAY ILAHAY HA UNAXARIISTO SHEIKHENA KOLEY SHEIKH DADBADAN OO SOMALI AH EEYTABIDOONAN

  8. inaaalilaahi waa inaa ilahay raajukuun [kulinafsin daaiqatul mood]aaadbaan ugu tacsiyeynayaa dhamaan umada soo maliyeed gar ahaaan reer boosaaaso ilaahay shiikha ha unaxariisto waxaaa dilaynaaa ilaahay umadaa hakaqabtoo.

  9. waana naqaana waxa dilay shiikha waa ciyaalka alshabab ilaahay kabaqa

    • as wr wb

      allaah ha unaxariisto sheekh waxay iila muuqataa in dilka ka dambeeyeen kuwaa dhiiga muslimiinta banaysanaya ee jahligu daashaday. hadaan laga diyaar garoobin saadambaad garan.

  10. ASWW Inaa lillaah wainnaa eleyhi raajicuun,wuxuu ahaa walaal qiimo badan agtayada kuleh waxaana Eebe uga baryeeynaa inuu maqaam sare agtiisa ka siiyo.Shiikh Ahmed waa dhiman lahaa marwalba, laakiin waxaa khasaarey dadka sababtiisa Alle ka dhigay.Waxaan reer Puntland ku baraarujinaayaa inay caqli xumada iyo xinka dhexdooda ah joojiyaan oo ay iska qabtaan cadawga ka ugaarsanaaya nin doorka.Ilaahey samir iyo iimaan hanaga siiyo geeridaas foosha xun.

  11. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahay raxiim ah ha ka waraabiyo shekha janadiisa firdowsa anagan samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo eheladii qaraabadii aradyadii iyo asxaabtiina waxaan leeyahay shekha fasabrun jamiil

  12. Sheikh Dr. Ahmed Haji Abdirahman, Allah ah u naxariisto, somali oo dhan ayuu ka dhintay ee ilahy samir hanaga wada siiyoo, gar ahaan qoyskiisa. ilmihiisna ilahya ha xifdiyo oo ilahy sida aabohood oo kale culimo haka dhigo. Aamin. sekha dalimiinta dishay ilahy si dhaqso ah ciqab adag aan lala wadagin ha mariyo. Waxan ku boorinayaa ummada somali oo dagan bosaso,in banan bax ay uga xunyihiin dilka shekha ay sameyaan.

  13. ASWW dadkan ummada muslimka ah dilaya, gaar ahaan aqoon yahanada! waa arrin la yaab leh! waxaanse eebe ugu baryayaa in ay gaal nimio ku dhintaan inshaa allah.

  14. shiikha allaha u naxariisto eheladiisa samir allaha ka siiyo
    waxan kula talin lahaa dadka muslimiinta ah ee ku nool puntland inay ku baraarugaan dilkaan qorshaysan ee lagu dilayo qofkii wax tari lahaa umadaan dhibaatay waxayna ila tahay kama maqna gacan shisheeye ayagoo adeegsanya wax magarato soomaaliyeed waxaana ilaahay ka baryayaa inuu fashilo waxay doonaan ha ahaadeene wad mahad santihiiin

  15. Samir iyo limaan allaha nagasiiyo. DR AHMED kuwii dilayna ilaahay si dhaqso ha u kashifo…Aamin. Illaahow

  16. Inaa li laghi wa inaa illaahi raajucuun, allaha u naxariisto Sheekh Dr, Axmed Xaaji Cabdiraxman eheladiisii iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan reer Puntland oo uu u ahaa mufti, Illaah baa naga og cidda dishay, laakiin way caddahay cidii masseg yada u soo diri jirta oo uu hadda ka hor ka akhrin jiray waxa loo soo diray Masjidka Al-rawda, waxa kale oo muujinaya cida dilka gaysatay hadaladii dhawaan ka soo yeeray Xasan Maxamud Takar iyo Cabdulaahi Raabi ee ay ka sheegeen Baydhabo

    Ilma Maxamud Takar, kala garasho iyo diin wacan, midna waxaan ogaa buu ku hadlayay midna waa kaas u hadlaya sida ehlu khayrka, laakiin waxaa leeyahay dilka shiikha Xasan wax ha laga waydiiyo.

    ALLOW Tawfiiqda na waafaji

Leave a comment

*