2 nin oo ku dilay Boosaaso Taliye Mursal Xaaji Saleebaan oo dil lagu fuliyey

January 22, 2012 - Written by

Waxaa maanta si rasmi uu u shaaciyey wasiirka amniga ee Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan in 2-bo ruux oo ku eedeysnaa in ay dileen allaha u naxariistee taliyihii ciidanka Ilaalada  hay’adaha ajaanibta ah ee Puntland SPU Taliye Mursal Xaaji Saleebaan lagu fuliyey dil toogasho ah ka dib markii ay qirteen kuna cadaatay in ay fuliyeen qaraxii miinada ahaa ee lagu dilay Taliye Mursal.

Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa howl galo ay ka fuliyeen xaafada Raf iyo Raaxo waxaa ay ku soo qabteen labo dhalinyaro ah oo dhagarqabayaasha ah ka dib markii ciidanku ay heleen xog ku saaban guriga ay ku dhuumanayaan labadaan ruux iyagoo ciidanku uu gacan ka hellay dadweynaha reer Boosaaso.

Wasiirka amniga dowllada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo saaka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ay ciidanku fuliyeen xukun dil ah kuna fuliyeen rag dil u geystay Sarkaal ka tirsanaa Hay,adda SPU xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo , Wasiirka amniga Puntlland Col.Khaliif Ciise ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan rag kale oo dhawaan la horkeeni doono Maxkamada si xukun loogu qaado.

Wasiirka amniga dowlada Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa  waxaa uu ugu baaqy dadweynaha ku nool degaanada Puntlland in ay ilaaliyaan nabadgelyada lana shaqeeyaan ciidanka amaanka si looga hortago dadka doonaya in ay qaraxyo iyo dilal ka fuliyeen degaanada Puntllánd  si ay u wiiqaan amaanka iyo nabadgelyada ka jirta Puntlland.

Wasiirada amniga Puntlland ayaa horay u shaacisay in ay qabteen ilaa 7 qof oo dil ugu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Marxuun Sh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan kuwaas oo hadda ay ciidanku amnigu gacanta ku hayaan, dadweynaha ku dhaqan degaanada Puntlland gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa aad u soo dhaweeyey dilka lagu fuliyey dad gacan ku dhiig layaal ah oo dil ka geystay magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online