Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay? W/Q Cubtan Yuusuf
January 17, 2012 - Written byQormadatani qorideedu waxay igu dhalatay ka dib markii aan arkay qoraal qaab gabay ahaan ah u qoran oo uu leeyahay nin isku magacaabay “Abuu Faadumo”. Qoraalku wuxuu ku soo baxay shabakado ay mid tahay Soomali midnimo, kaasoo uu qoraagu ku ayidayey wax loo ekaysiiyay bayaan ay ururka Al-shabaab kaga jawaabayeen eed ay Beesha Leelkase u soo jeedisay ururkaas inay ka danbeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Abdirraxman. Bayaanka sixadiisa ma hubo mana wato wax cadaynaya inuu ka yimid dadka talada ururku ka go’do, wuxuuse u’egyahay wax ay soo farsameeyeen qolooyin aan oran karno gar iyo gar darraba ururka Al-shabaab bay garab taagan yihiin, ulana mucaamala falkooda iyo qowlkoodaba sidda waxyi samada ka soo degay. Bayaankaas markuu soo baxay isla markiiba Abu Fadumo sidii caadada ahayd wuxuu ku ayyiday gabay uu ku magacaabay “Diktoorkii waxaa gowracoo gooyay ruuxiisa galbeed iyo amxaariyo shuftada reer garoowaahe!”
Halkaan ka Akhir Abu Fadumo Nasiixa ma mudan yahay
Cubtan Yuusuf
cubtanyusuf@yahoo.com

.gif)

