Abwaan Dahir Maxamed Nuur oo Tiriyay Gabay uu ugu Magac daray “ALLA BARI” (Dhageyso.)

January 1, 2012 - Written by

Minisota:-Abwaan Dahir Maxamed Nuur oo ah Abwaan soomaliyeed kuna dhaqan Wadamada qurbaha ayaan waxaan ka duubnay gabay uu curiyay oo uu ugu magac daray alla bari,waxaa uuabwaanka uga hadlayaa gabaygan dhibaatada aan dhamaaneyn ee ku habsatay umadda somaliyeed isagoo sidoo kale alle ku baryaya weydiisanayana in uu mar uun ka dulqaado dhibaatdan baahsan ee somalida dal iyo dibdaba baacsaneysa.

Sidoo kale abwaanka waxaa uu Tiriyay tix uu uga hadlaya Naftiisa iyo Mahadnaq uu allah ugu mahad naqayo sida uu ugu nicmeeyey waana  tixi uu allah xamdigiisa ku xusayo.

Sidoo kale abwaanka waxaa uu Tiriyay Tix uu Ugu Magac daray “Ma Sinna” oo uu tiriyay Xili uu ka shaqeynayay shaqo aad u adag oo xilli
Soon qaad ay ahayd,waxaana walaalhihi la sahqeynayay ay dhaheen soonka waa nagu adagayahayoo shaqadaa adag halkaasna waxaa uu ka tiriyay tixdan Ma Sinna oo ereyadeedii aan ka xusin karno.

Ma Sinna Abaar Siridha iyo Saban Barwaaqeed,
“Ma Sinna Sabciin Ruux Jiri iyo Sabi Caruureed,
“Ma Sinna Samaya Hoodal iyo Saan cadleey Xun,
“Ma Sinna Fulaha Soodal iyo Saajac Dirira,
“Ma Sinna Nin Soor Qariya iyo Sikhiga Dhiibaa,

“Ma Sinna Cayaar Salawday iyo Subaca diimeed,
“Ma Sinna Saqiif iyo Nin Ragga oo Saami kala roon,
“Ma Sinna Nin SIra badan watiyo Saafi ki ihi,
“Ma Sinna Ninkii Sawjada igdhada iyo kii Zinna U Dhuuntaa,
“Ma Sinna Nin Soor Soon Qaad Cuniyo Saa’im Kii ihi,
“Ma Sinna Anigu Saan ihiyo Nimaan Salaad ogin,

Halkan Ka Dhageyso Gabaydii Abwaan Daahir

Al-Yaqiin .Com

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online