Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Raage oo shir jaraa.id ku qabtay Muqdisho

January 17, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed Raage  Cali Dheere oo shir jaraa.id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duulaankii Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dalka Kenya uu noq day mid ay ku fashilmeen , Shiikh Cali Dheere ayaa xusay in duulaankaan u jeedadiisu uu ahaa in lagu dumiyo Shareecada Islaamka.

Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Raage ayaa xusay in dowllada Kenya weerarkeeda iyo duulaanka ay ku hayso dalka Sooomaaliya uu galay 90 maalmood wax horumar ah oo la taaban karana aysan ka gaarin duulaankooda gardarada ku dhisnaan, Shiikh Cali Dheere ayaa xusay in ilaa 60 KM kaliya ay gudaha u soo galeen ciidanka dalka Kenya wax horumar ahna ay samayn waayeen ciidankooda.

Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa yiri ” Dowllada Kenya iyo kuwa taageera waxaa uu hadafkoodiu ahaa in mudo 60 cisho ah ay ku qabsadaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo, ilaa intii ay ciidanka dalka Kenya ay weerareen xadka Soomaaliya ayaa waxaa dhacay dagaalo kale duwan oo khasaaro nafeed ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka”.

Dhinac kale mar uu Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere uu ka hadlayey ciidanka Itoobiya ee qabsaday magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ku dooday in ciidanka Itoobiya ee qabsaday magaalada Beledweyne ay ku adag tahay in ay soo dhaafaan magaala daas ama qabsadaan magaalooyin kale iyadoo taas ay ugu wacan tahay khasaaraha ka soo gaaray weeraro joogto ah oo ay ku hayaan ciidanka ururka Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Maxamed Raage ayaa waxaa uu tacsi u diray qoys Soomaaliyeed oo caruur tooda ay ku dhinteen  duqeyn ay ciidanka dalka Kenya ay ku qaadeen degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore duqeyn ay ka geysteen gudaha Soomaaliyeed  waxaa duqeyntaas ku dhinta dad rayid ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online