Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Raage oo shir jaraa.id ku qabtay Muqdisho

January 17, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed Raage  Cali Dheere oo shir jaraa.id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duulaankii Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dalka Kenya uu noq day mid ay ku fashilmeen , Shiikh Cali Dheere ayaa xusay in duulaankaan u jeedadiisu uu ahaa in lagu dumiyo Shareecada Islaamka.

Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Raage ayaa xusay in dowllada Kenya weerarkeeda iyo duulaanka ay ku hayso dalka Sooomaaliya uu galay 90 maalmood wax horumar ah oo la taaban karana aysan ka gaarin duulaankooda gardarada ku dhisnaan, Shiikh Cali Dheere ayaa xusay in ilaa 60 KM kaliya ay gudaha u soo galeen ciidanka dalka Kenya wax horumar ahna ay samayn waayeen ciidankooda.

Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa yiri ” Dowllada Kenya iyo kuwa taageera waxaa uu hadafkoodiu ahaa in mudo 60 cisho ah ay ku qabsadaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo, ilaa intii ay ciidanka dalka Kenya ay weerareen xadka Soomaaliya ayaa waxaa dhacay dagaalo kale duwan oo khasaaro nafeed ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka”.

Dhinac kale mar uu Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere uu ka hadlayey ciidanka Itoobiya ee qabsaday magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ku dooday in ciidanka Itoobiya ee qabsaday magaalada Beledweyne ay ku adag tahay in ay soo dhaafaan magaala daas ama qabsadaan magaalooyin kale iyadoo taas ay ugu wacan tahay khasaaraha ka soo gaaray weeraro joogto ah oo ay ku hayaan ciidanka ururka Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Maxamed Raage ayaa waxaa uu tacsi u diray qoys Soomaaliyeed oo caruur tooda ay ku dhinteen  duqeyn ay ciidanka dalka Kenya ay ku qaadeen degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore duqeyn ay ka geysteen gudaha Soomaaliyeed  waxaa duqeyntaas ku dhinta dad rayid ah.

A/cawaale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. sc walaalaha qoraalka soo qorayo waad ku mahdsantahiin in la kala arti duwanaado balse aniga waxaan idin xasuusinyaa ina laga bixi doon dhawaa iyo dheeraaba waayo xukunku muslimiinta buu ku danbeyni donaa insha-allaah,alle sw waxuu yiri (allaa ina nasrulahi khariibaa), yaan la quusanin ducada ha la badiyo insha-allah meel aan jogoba, ogaadana waa fid nadii na loshegay ee yaan hadal iyo ficilba uga qeyb qadanin alloow kuwa bad baaday ee nabad galay nagu dar aanu dhano walaalayaal mid mid kutaag wax ma tarto, allow khatumad kheyr doogu qadim aamin

  2. As.. Ilahay ka baq walaalkaas la baxay axmadoow.. Anigu ma ahi al-shabaab oo wa igu wallaahi inaanan ka tirsanayn, laakiin haddana ciil aad cid u qabto yaysan adna mid xun kugu ridin, waa wixii iyaga lagu haystay.. Duulaankaan ma ahan mid Alshabaab kaliya ku socda, ee waa mid dalkoo dhan la doonayo in lagu qabsado, maantana gaalo meeshii ay rabtay ayay heshay oo wax is caayaya oo is ceebeynaya waa uun inaga dhexdeena, waayo alshabaab cirka kama iman waa un wixii aan dhlanay.. marka arinka yaan la siï fogayn, duulaankuna ka weyn alshabaab baa sababtay iwm.. ee ilaahay halaga baqo..
    Halgana waa ku mahadsan yihiin sida wnagsn ee gobanimadu ku jitro ee ay howsha u wadaa… Sanadkan ayaa la kala bartay homebageyada xitaa cidii sx ah iyo kuwii kaleba.. waayo waxaan aad u dhibsaday laba qolo oo midnimo iyo memo loo bixiyay oo shaqo ka dhigtay uun cayda culimada.

  3. ACWRWB,
    Toobad baa u furan Al-shabaab iyo cid kasta oo dambi ka gashay diinta islaamka, dadka Soomaaliyeed iyo dalkoodaba. Al-shabaab kali ah maaha waxa dalka burburiyay oo dadka xasuuqaa ee hakala saarin Soomaalida cadawgiina saaxiib ka dhiganaysa saaxiibkiina cadaw ka dhiganaysa!

    Kuwa ku hadaaqaya ITOOBIYA iyo KENYA WAA WALAALEHEEN, ma iyagaa xukunka dajiya mise ALLAAH SWT? ALLAAH SWT wuxuu noogu sheegay kitaabkiisa kariimka ah in mu’miniintu walaala yihiin qur’aan (49:10) gaaladuna mu’miniinta cadaw u yihiin, lamasoo koobikaro aayaadka sheegaya cadawnimada gaalada!

    Waa ku raacsanahay walaal Axmed inay Al-Shabaab u soo hogaamiyeen cadawga si dadban laakiin maxaad walaal ka leedahay kuwa sida tooska ah u soo hogaaminaya? Kuwaasaa igala liita Al-Shabab, waxaan is leeyahay Al-shabaab in badan oo diinta islaamka ka mid ah bay qalad ka fahmeen, laakiin kuwan kale maxay fahmeen?

    Xaqqa Allaha inaku sugo

  4. Alshabab iyagaa markii horeba sabab u ahaa burburka iyo u gacan galka dhulka somaaliyed cadow shisheeye marka hada yey ku eedaynayaan? sharecada islaamka iyo dalka somaliyeedba in gaalo kuso duusho shalay ragi ka shaqeynayay ayaa maanta leh waxaan matalaynaa doorka ummada oo mujaahidiin iska dhiagaya. alaa lacantullaahi calayhim ajmciin illaahay diintiisa waa ay guuleysan taas hala yaqiinsado marwalba kuwa sida ay tahay u qaatana waa ay guuleysayn ilaahayna lumin mayo.
    وما كان الله ليضل قوما بعد إذ هداهم حتى يبين لهم ما يتقون إن الله بكل شيء عليم

Leave a comment

*