Banaanabax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

January 15, 2012 - Written by

Laascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool banaanbax rab shado wata oo ay dhigayeen haween iyo dhalin yarada magaalada laascaaood ka dib markii ay maqleen dagaalka saaka ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn , banaanbax ayaa waxaa uu ahaa mid iskii isaga bilowday oo aan cid si gaar ah u abaabulin.

Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ayaa ka hortagay  banaanbax waxaa ay rideen rasaas aad  u fara badan oo markii danbe ay ku dhaawacmeen 2 qof oo mid haween tahay iyo wiil dhalinyaro ah oo markii danbe loo qaaday Isbitaalka magaalada laascaanood oo hadda lagu daweynayo.

Dadweynahaan ka careysan  dagaalka saaka ay ciidanka S/lland ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa ay dhagaxaan ku weerareen Xarumaha maamulka S/lland uu ku leeyahay magaalada. Ciidanka Booliska S/lland oo rasaas  badan riday ayaa ku guulaystay in ay kala cayriyaan dadkii banaanbaxa dhigayey.

Dhinac kale magaalada Taleex ayaa waxaa gabi ahaan la joojiyey shirkii ka socday waxaan cuqaasha iyo Issimadu ay qaateen shir deg deg ah oo ay uga hadleen xaalada dagaal ee ka jirta magaalada Buuhoolde ee xarunta Gobolka Cayn waxaan ay eedeyn u soo jeediyeen madax weynaha Somalilland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay shegeen in uu masuul ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Buuhoodle.

Wariye M_M_Deeq oo xiriiro kale duwan la sameeyey magaalad Taleex iyo laascaanood ayaa loo sheegay in markii dagaalku uu dhacay ay ciidamadii ku sugaan magaalada Taleex oo hub fara badan oo tikniko ah wata ay aadeen Buuhoodle, ciidamadaan ayaa ahaa kuwii ku  suganaa markii hore Buuhoodle iyagoo u aaday magaalada Taleex in ay sugaan nabadgelyada.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online