Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

January 21, 2012 - Written by

Laascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Soool banaanbax rabshado wata oo ay ka dhasheen dhimasho 3 qof oo rayid ah iyo 4 qof oo dhaawac ah ka dib markii ay iska horyimaadeen dadweyne dhigay banaanbax ay ku taageerayeen shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Taleex laguna dhiusay maamulka Gobolleedka Kaatumo State Of Somalia.

Dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa waxaa ay weerareen xarumaha dowllada S/lland ee ku yaala Laascanood waxaan ay ku dhawaaqateen hadalo lid ku ah maamulka S/lland ,Ciidanka Booliska ee magaalada Laasxcaanood ayaa rasaas fara badan ooda uga qaaday dadkii dhigayey banaanbax oo u badnaa dumar iyo dhalinyaro.

Dadkii ku dhaawacmay banaanbax ayaa waxaa la soo gaarsiiyey  Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood waxaana dhaawacooda la tacaalaya Takhaatiirta ku sugan Isbitaalka Laascaanood, magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo intii magaalada Taleex looga dhawaaqay maamul Gobolleedka Kaatumo State Of Somaliya waxaa ka dhacay banaanbaxyo rabshado wata oo dhexmaray dadweynaha ku nool Laascaanood iyo ciidanka Booliska ee magaalada.

Wixii war oo ka soo kordha banaanbax ka dhacay magaalada Laascaanood  dib ayan idinkaga soo gudbin doonaa

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online