Bayaan iyo baaq Ka soo baxay Beesha Ahmed Harti [Moorcase]

January 11, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa malmahan uga socday Beesha Ahmed Harti  Shirar Taxanana ah oo ay isugu yimaadeen Dhamaan Guurtida Beesha  Culaamaa u diinka Aqoon yahanada Waxgaradka iyo Mas uuliyiinta Maamulka Puntland iyo Dawlada Federalka ah  , Shir kaan oo ahaa mid ay Beeshi sid aad iyo aada ay uga hadlayeen Sugida Amaniga Guud ee Puntland Gaar ahaan Magaalada Bosaaso iyo Nawaaxigeeda .

Waxay Beeshu ku heshiisay Yar iyo Waynba in ay si wada jir ah uga shaqeyaan Amaanka Deegaanka ,Gaar ahaan Degaanka Beeshu ay Bud Dhigaha u tahay Sida

1-Bosaso  (2) Karin (3)Yallho  (4)Kalabayr (5) Jiingada (6) Ceel Doofaar (7) Laasadawaco (8) Juurile (9)Dalweyn (10)Xida(11) Tisjiic (12) Afurur(13)Maraje(14)kala dhacda (15)Bacaad (16)Buurgaabo    (17)Cira Dhame (18)Dhud (19)Gaaca(20)iyo Degmada Waaciye.

no images were found



Qodobada lagu heshiiyey

1-Xoojinta Xiriir Wanaaga   Beesha iyo Maamulka Puntland ee uu Madaxweynaha ka Yahay Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

2-Beesha Waxaa ka go an inay la dagaalanto Afcaasha Argagaxisanimada iyo Xagjirka Dilka Aaan sababta lahayn ee lagu dilayo dadka islaamka ah ee Biri magaydada ah Culimada waxgaradka Aqoon yahanka, Dumarka ,Caruurta iwm.

3-In Beeshu Hurmuud u noqoto in ay kala soo Baxaan Wiilasha Lamarin habaabiyey oo ay kooxda Al shabaab u adeegsadaan Dhibaataydan Dalka iyo Dadkaba ,uuna ka caawiyo Maamulku Gacana ku siiyaan sidii wax loogala qaban lahaa .

4- Sugidda Amniga Guud ee Deegaanada Beeshu Degto Degaanadaas oo  Laga Bilaabayo Magaalada Basaaso ilaa Magaalada Xidda inta u Dhaxaysa Iskuna Jira Masaafo Dhan 300km oo isku weer Ah .

7-Beesha  Waxay ka cod sanaysaa Maamulka Puntland in laga caawino sidii looga hortagi lahaa  Tahriibka , Burcad Badeeda  oo hoy u noqday Deegaanada Beesha ay degto dhalin yaro Badana  ay ku seegeen Mustaqbalkoodii.

8-Xoojinta Xiriir Wanaaga Beesha iyo Bulshada ay oodwadaaga Tahay.

9-Kor u qaadista iyo Tayeynta Waxbarashada iyo Caafimaadka Degaanada Beeshu Degto .

Waxay Beeshu ugu Baaqaysaa Beelaha walaalaha ah ee wada dega Deegaanada Puntland in Dhamaan Khilaafyada ku dhex jira ay iska saaraan si loo higsado Nabad Horumar Cadaalad Maadama ay jiraan ururo siyaasadeed oo Gaashaan ka dhiganaya Diinta Islaamka kuna wax yeelaynaya wada jirta Shacbiga Reer Puntland ,

Waxay beeshu horay iyo gadaalba tacsi tiiran ya leh u diraysaa dhamaan Dadkii ku naf waayey Dilalkii qor sheysnaa ee Foosha Xumaa ee ka dhacay Deegaanada Puntland ayna ugu damaysay Dilkii loo geystay Dr:Ahmed C/raxmaan ilaahay janadi firdosa haka waraabiyee.

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in laamaha amaanka ay si dabacsan ula shaqeeyaan shacabka Madaama maanta loowada guntaday in wax laga qabto khalkhalka Xarakada Alshabaab ay ka wadaan Gobollada Puntland .

Waxaan sidoo kale talo ku soo jeedinaynaa in dadka Muwaadiniinta ah ee tuhunku galo in loola dhaqmo si Anshax iyo Akhlaaqi ku dheehan tahay lana horgeeyo Maxkamad Caadli ah ee aan lagu haynin Goobaha Boliska Taasoo keeni karta Nacayb soo kala dhexgala Shacabka iyo Dawlada .

Waxaa ku saxiixan:

  1. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage
  2. Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Juurile
  3. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee DKG Cabdilaahi Bile Nuur
  4. Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan
  5. Col. Xirsi Siciid Faarax
  6. Cabdiqaadir Yuusuf Daahir
  7. Ugaaska beesha Dishiishe Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
  8. Nabadoon Yaasiin Maxamed Maxmuud (Dannood)
  9. Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)
  10. Nabadoon Maxamuud Axamed Shirwac
  11. Nabadoon Sahal Cabdisalaan Yuusuf
  12. Nabadoon Jaamac Yaasiin Jaamac
  13. Nabadoon Maxamuud Jaamac
  14. Nabadoon Liibaan Cismaan saalax
  15. Warasame Muuse Yuusuf (Shaaquuf)
  16. Nuux maxamed Ciise
  17. Caaqil Cismaan Ismaaciil Bare
  18. Maxamed Ismaaciil Maxamed
  19. Carab Maxamed Jaaamac
  20. Cabdirisaaq Maxamuud Siciid
  21. Nabdoon Cabdilaahi Xaaji Ciise
  22. Cabdilaahi Jaamac Saalax

Wabillahi Tofwiiq

Eebe xaqqa ha ina waafajiyo

 

Wabilaahi Tawfiiq ………………………………………………………………………

Baaqan waxaa nasoo gaarsiiyey Beesha Ahmed Harti 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Illah baa mahad leh.
    Qorsha Beeshu gaartay waa arin aad u wanagasan waxayna mudan tahay in lagu daydo oo lawada qaato qorshaha nabada iyo hormarka soo jiidaya.

    waxaan aad u jeclaan laha saxaafada ka jirta Puntland sida Halgan.net oo kale oo aan aad ugu xirnahay in ay wax badan oo fahfahsan naga siiyaan dadkayaga jooga qurbaha ragii dilay Sh DR. Ahmed Cabdirixmaan
    waayo waxaa la cadaynaya in ay Al shabaab dilee ayaguna waa in kireen marka mawaan lahayn magacyada dadka dilay shiikha iyo cadayn waafi ah oo lagu wada qanci karo please no so gudbiya hadii lahayo.

  2. BEESHA DASHIISHE WAA KU AMMAANAN YIHIIN BAYAANKAN TAARIIKHIGA AH INAY KA DHABEEYAAN OO BEELAHA KALE KAGA DEYDAAN AYAANAN RAJEYNEYNAA.

    ALSHABAAB WAA MUJRIMIIN, WAA MAAFIYO WAX LA AAMINO OO DIIN IYO INSAANNIMO AHNA MA AY LAHA IN SOOMAALIDU MEEL KA WADA ISTAAGTANA WAXAY DAN U TAHAY MUSTAQBALKA DALKA IYO AAYAHA JIILKA SOO KORAYA, HADDII KALE GOOR DAL IYO DADBA IN DHAAFEEN BAA LA GOCAN DOONAA.

    VIVA DASHIISHLE

Leave a comment

*